David Alaba Oo Soo Gaarey Magaalada Madrid & Waqtiga Real Madrid Ay

David Alaba ayaa soo gaadhay magaalada Madrid maalintii Salaasada, waxaana uu isku diyaarinayaa in Real Madrid uu qalinka ugu duugo heshiis bilaash ah oo uu ugaga soo wareegay Bayern Munich oo qandaraaskii uu kula jiray uu kasoo dhamaaday.

28 jirkan ayaa Real Madrid u saxeexi doona heshiis shan sannadood ah oo Santiago Bernabeu kusii hayn doona illaa inta ay da’diisu noqonayso 33 jir.

Telefishanka Gol TV ayaa sheegay in David Alaba uu Salaasadii soo gaadhay Madrid iyadoo uu la socdo wakiilkiisa iyo sidoo kale lataliyihiisa sharci ama qareenkiisa.

Laacibkan ayaa baadhi-goob u galay sidii uu magaalada Madrid uga heli lahaa guri, waxaana hawshaas kala shaqaynaysa kooxdiisa cusub ee Real Madrid.

Alaba oo xulka qaranka Austria kala qayb-gelaya tartanka Euro 2020 ayaa waxa uu soo xidhi doonaa hadal-haynta mustaqbalkiisa ka hor inta aanu ku biirin ciyaartoyda waddankiisa ee isku diyaarinaya kulamada qaramada Yurub, si uu meesha uga saaro culayska warbaahinta ee ku dhici doona.

Salaasadii shalay markii uu soo gaadhay magaalada Madrid, waxa uu booqday garoonka tababarka ee Valdebebas, halkaas oo uu kula kulmay masuuliyiinta kooxda.

Real Madrid ayaa Khamiista ama Jimcaha si rasmi ah ugu dhawaaqi doonta saxeexa David Alaba oo noqon doona shan sannadood, iyadoo uu xilli ciyaareedkiiba mushahar ahaan u qaadan doono 12 milyan oo Euro.

Los Blancos ayaa rajaynaysa in Alaba uu wax badan kusoo kordhin doono maadaama uu ka ciyaari karo difaaca dhexe, difaaca midig ama khadka dhexe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More