Didier Deschamps Oo Khaati Ka Taagan Isla-weynida Kylian Mbappe

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps waxa dhibaato ku noqotay sidii uu u maamuli lahaa Kylian Mbappe oo ay ku jirto isla-weyni sida uu sheegay laacibkii hore ee reer France ee Jerome Rothen.

22 jirkan ayaan wali wax gool ah ka dhalinin tartanka qaramada Yurub ee Euro oo saddexdii kulan ee u horreeyeyba uu ciyaaray, iyadoo hal gool oo uu ka dhaliyey kulankii Germany laga diiday markii uu Offside noqday.

Laacibkan ayaa ka hor intii aanu tartanku bilaabmin waxay isku dhaceen weeraryahanka kale ee Olivier Giroud oo ay warbaahinta iskugu jawaabeen, waxaana hadalka ku dambeeyey Mbappe oo sheegay inay saamayn ku yeesheen kalmado uu Giroud yidhi kaddib kulankii saaxiibtinimo ee Bulgaria ee bishii hore.

Jerome Rothen oo u ciyaari jiray PSG sidoo kalena xulka qaranka France u saftay 13 ciyaarood ayaa sheegay in Kylian Mbappe uu yahay ciyaartoy dhibaato ka abuura bannaanka garoonka, isla markaana saamaynta hadalladiisu ay yihiin kuwo dhibaato ah, isagoo dhinaca kalena ku eedeeyey isla weyni.

Rothen ayaa yidhi: “In uu yahay hoggaamiye garoonka dhexdiisa, dhibaato ma leh, laakiin ficilladiisa bannaanka garoonka ayaan anigu dhibsanayaa.

“Waxay ila tahay in Didier Deschamps aanu mar dambe maamuli karaynin dhibaatadan. Xataa waxa layaab lahayd inuu Kylian Mbappe u ogolaaday inuu sameeyo waxyaabo badan. Waynu arkaynaa bandhiggiisa garoonka. Maanta ma odhan karno Kylian Mbappe waa ciyaartoy guulo kasoo hoynaya Euro.

“Miyuu yahay ciyaartoygii PSG ee dhamaadkii xilli ciyaareedaka? Maya ayaan odhanayaa. Wax badan ayaanu ka filaynay Kylian Mbappe. Qof walba wuxuu u malaynayaa in Mbappe uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan Yurub, laakiin haddii aad si degdeg ah u geliso qaybta ciyaartoyda wanaagsan, kuma qanacsanaan karaysid.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More