Difaacii Manchester United, Chelsea Iyo Kooxaha Premier League U

Inkasta oo ay lasoo saxeexdeen David Alaba, haddana Real Madrid waxay raadinaysaa difaac dhexe oo kale, si ay u buuxin karto booskii uu banneeyey Sergio Ramos iyo mustaqbalka Raphael Varane oo mustaqbalkiisu laalan yahay.

Jules Kounde oo difaaca dhexe uga ciyaara Sevilla ayaa ka midah ciyaartoyda lala xidhiidhinayo Real Madrid, waxaana uu laacibkani caddeeyey kooxda uu doonayo inuu ku biiro.

22 jirkan oo xulka qarankiisa France kala qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ayaa waxa uu go’aankiisa la wadaagay weeraryahannada dalkiisa ee Karim Benzema iyo Kylian Mbappe oo isaguba ka mid ah ciyaartoyda lala xidhiidhinayo Madrid.

Laacibkan oo labadii sannadood ee u dambeeyey xubin muhiim ah ka ahaa Ramon Sanchez Pizjuan, ayaa dareensan in la gaadhay waqtigii uu Sevilla ka tegi lahaa ee uu ku biiri lahaa koox weyn si uu ugu guulaysan karo koobab.

Jules Kounde ayaa u sheegay Benzema iyo Mbappe in uu doonayo inuu tago kooxda reer Spain ee Real Madrid, isla markaana uu ka ciyaaro caasimadda, halkaas oo uu tago uu kula midoobi doono ciyaartooyo ay isku waddan yihiin oo uu ku jiro Karim Benzema.

Laakiin Real Madrid ayaan waqtigan awoodi karin inay bixiso lacagta lagu burburin karayo heshiiska laacibkani kula jiro Sevilla oo ah 80 milyan oo Euro, taas oo fursad siinaysa kooxaha Premier League ee Chelsea, Manchester United iyo Tottenham oo iyaguna doonaya saxeexa laacibkan.

Jules Kounde ayaa Sevilla u saftay 49 kulan xilli ciyaareedkii hore, waxaana bandhiggiisa wanaagsan uu sababay in looga yeedho xulka qaranka France ee ka qayb-gelaya tartanka Euro. Kulankii ugu horreeyey ee uu u saftay dalkiisa ayaa ahaa ciyaartii saaxiibtinimo ee Wales ee horraantii bishan June. Kulankii Portugal ee Arbacadii ayuu difaaca midig ka ciyaaray, waxaanu muujiyey ciyaar sarraysa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More