Everton Oo Ka Hadashay In Xiddigeeda Richarlison Uu Tegayo Real Madrid

Kooxda kubadda cagta Everton ayaa ka  hadhashay wararka sheegaya in xiddigeeda reer Brazil ee Richarlison uu ka tegayo xagaagan, kuna biirayo kooxda reer Spain ee RealMadrid.

Rafa Benitez ayaa sheegay, in Richarlison uu ogyahay in kooxdu wax ka sugayso oo ay tahay inuu kusoo celiyo, kaddiib markii ay wada-hadal yeesheen ka hor inta aanu laacibkani u duulin waddanka Japan oo uu xulka dalkiisa kagala qayb-gelayo ciyaaraha olombikada.

Benitez ayaa sheegay inuu xidhiidh la sameeyey Richarlison maalintii Khamiista, horena uu u bixiyey fasaxii uu ku tegay ciyaaraha Olombikada ee dhamaadka bishan ka bilaabmaya waddanka Japan, gaar ahaan magaalada Tokyo.

“Xidhiidh ayaan la lahaa Richarlison, waxaanu ka fikirayay ciyaaraha Olombikada. Waxa aanu u baahnayn in aanu xallino xaaladdiisa, waanu fiican yahay.” Ayuu yidhi Rafa Benitez oo dhowaan loo magacaabay tababaraha Everton, isla markaana beddelay Carlo Ancelotti oo ku laabtay Real Madrid.

Waxa uu Rafa Benitez intaa ku daray: “Wuxuu ku faraxsan yahay inuu halkaas tago, waxaanu ogyahay in ay tahay inuu wax kusoo celiyo Everton sababtoo ah waanu ku taageernay.

Haddii Brazil ay gaadho finalka ciyaaraha olombikada, waxa  uu Richarlison ku sugnaan doonaa Japan illaa ugu yaraan August 7 oo ah maalmo ka hor waqtiga uu horyaalka Premier League dhamaanayo.

24 jirkan ayaa markaas kaddib u baahnaan doona waqti fasax ah, taas oo ka dhigan in uu seegi doono kulamada ugu horreeya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More