Gabadhii Kufsiga Ku Eedaysay Cristiano Ronaldo Oo Dalbatay £56 Milyan

Cristiano Ronaldo ayaa laga doonayaa in uu bixiyo lacag dhan £56 milyan oo Gini oo ah magdhow ay dalbatay gabadhii ku eedaysay in uu ku kufsaday waddanka Maraykanka.

Dhokumentiyo iyo macluumaad cusub oo laga helay maxkamadda uu ka socdo kiiska Kathryn Mayorga iyo Cristiano Ronaldo ayaa waxay muujinayaan, in gabadhani ay dalbatay lacag malaayiin ah oo ah dhaawacyii iyo sumcad dilkii kasoo gaadhay kufsigii uu Cristiano Ronaldo ugu geystay waddanka Maraykanka sannadkii 2009.

Ronaldo iyo Kathryn Mayorga ayaa ku kulmay resort ku yaalla magaalada Las Vegas, waxaanay isla tageen qol, laakiin waxa soo baxday in laacibkani uu kufsi kula kacay gabadhan.

Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay in waqtigaas uu iskaga aamusiiyey lacag uu siiyey, si ay u daboosho dacwadda xilli ay booliskuna sheegeen in lagu soo wargeliyey in fal ka dhacay hotelka balse uu dhibbanihii oo ah Kathryn Mayorga  ay xilligaas diiday in ay dacwayso Ronaldo.

Waraaqo cusub oo laga helay maxkamadda ayaa waxay muujinayaan, in Kathryn Mayorga ay doonayso £18 milyan oo Gini oo ah xanuunkii iyo dhibaatadii kasoo martay kufsiga uu Ronaldo kula kacay, £18 milyan oo kale oo ah sharaf-dhaca uu ku keenay iyo £18 milyan oo gini oo kale oo ah khasaarihii soo gaadhay.

Kathryn Mayorga oo ay da’deedu tahay 37 jir ayaa waxa kale oo ay xisaabteeda kusoo dartay £1.4 milyan oo kale oo ah dacwadihii ay gashay, taas oo tirada guud ee lacagta ay doonayso ka dhigaysa £56.5 milyan oo Gini.

Lacagtan magdhowga ah ee ay Mayorga ay doonayso ayaa waxay u dhigantaa laba sannadood mushaharka uu Cristiano Ronaldo kooxda Juventus.

Ronaldo ayaa hore u beeniyey in uu kufsi kula kacay Mayorga, waxaase uu sannadkii 2010 siiyey lacag dhan $375,000 greenback si aanay dacwad ugu soo oogin, laakiin saddex sannadood kaddib ayay Mayorga bilowday kiiska, waxaanay haysaa markhaatiyo tiradoodu yihiin illaa 60 qof oo ku wehelinayay xafladdii ay iska raaceen waqtigii ay qolka isla gelayeen Ronaldo oo indhahooda ku arkayay.

Si kastaba, Cristiano Ronaldo ayaa madax-xanuun kale iyo xaalad aanu meeshaba soo dhiganin waajahaya, waxaana haddii maxkamaddu ku riddo xukunkan uu si qasab ah ku bixin doonaa lacagtaas, inkasta oo ay u furan tahay in uu qaato rafcaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More