Garsoorihii Qaladka Xun Sameeyay Kulankii Liverpool &

6

Garsoore David Coote ayaa lagu ciqaabay inuusan garsoori doonin kulamada isbuuca soo socda ee Premier League ka dib qaladkii uu sameeyay kulankii Merseyside Derby.

Coote oo ahaa garsooraha VAR ee kulankii Liverpool iyo Everton ayaa ku guuldareystay inuu hubiyo qaladkii uu goolhaye Jordan Pickford ku galay Van Dijk taasoo keentay in daafaca uu garoomada ka maqnaado muddo bilooyin ah.

Bedelkii uu David Coote eegi lahaa qaladka uu Pickford kula kacay Van Dijk wuxuu diirada saaray kaliya haddii offside uu jiray taasoo keentay in Pickford uu ka badbaado in casaan la siiyo kulankii Goodison Park ee ku dhamaaday barbaro 2-2 ah.

Waxayna taasi haatan keentay in muddo isbuuc ah shaqada laga fariisiyo.

Coote ayaa noqon doona garsooraha bedelka kulanka Manchester City iyo West Ham iyadoo loo diiday inuu noqdo garsoore dhexe ama garsooraha VAR kulamada isbuucaan.

Marka laga soo tago inuu iska indhotiray qaladkii uu Pickford ku galay Van Dijk, Coote oo ahaa garsooraha VAR wuxuu sidoo kale abuuray muran markii uu diiday goolkii guusha ee uu Henderson u dhaliyay Liverpool isagoo xukmiyay in Mane uu offside ahaa inkastoo muuqaalka uu shaashada soo saaray aysan muujineynin sidaas.

Liverpool ayaa aad uga carootay go’aamada Coote iyagoo ka dalbaday xiriirka garsoorayaasha Ingariiska PGMOL inay ka soo jawaabaan cabashadooda ciyaarta ka dib.

Madaxa PGMOL Mikel Riley ayaa la hadlay Liverpool isagoo sheegay in garsooraha VAR uu eegay qaladka dhacay balse uu u arkay inaysan aheyn qalad mudan calaamad, laakiin hadana Mikel Riley wuxuu isbuucaan ku ciqaabay Coote inuu noqdo garsoore bedel.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More