Griezmann Oo Laba Daran Mid Dooro Dhex Dhigay Barcelona, Kooxda Barca

Maaha wax qarsoodi ah in Barcelona ay doonayso inay Antoine Griezmann iska iibiso gudaha suuqa xagaagan balse qaabka ay kaga dirayso kooxdeeda ayaa u muuuqata mid adag.

Griezmann oo ah xiddiga haatan ugu mushaharka badan Barcelona kaddib markii uu heshiiskii Lionel Messi dhacay ayaa si uu kooxda uga tago u baahan koox kale oo ku haboon.

 

Kooxda sida ugu xoogan loola xidhiidhinayo ayaa ah Atletico Madrid balse kooxdaas ayaan doonayn bixinta lacagta lagu iibinayo xilli sidoo kale madaxweynaha kooxda ee Joan Laporta uu iska diidayo inuu Atleti ka iibiyo.

Laporta ayaa ka ordaya inuu sameeyo qalad lamid ah midkii Josep Maria Bartomeu oo kale kaas oo Luis Suarez ka iibiyay Atletico Madrid isla markaana ka caawiyay kooxdaas ku guuleysiga horyaalka La Liga.

Iyadoo ay Barcelona doonayso inay Griezmann ku bedelato ciyaartoy weyn amaba ay ku iibiso qiime weyn ayuu kaliya laba dhinac ku jihaysan karaa waana Paris ama Premier League.

PSG ayaan Griezmann marnaba lala xidhiidhin isla markaana tababare Mauricio Pochettino ayaa ah mid horeba u haystay saf weerar oo cajiib ah.

Dhinaca England, Man United ayaan wax xiiso ah u qabin Griezmann isaga oo lid ku ah siyaasada suuqa ee Ole Gunnar Solskjaer oo ciyaartoy da’yar ama da’ dhexe.

Sidoo kale da’diisa 30-ka ah ayaa ah mid meesha ka saaraysa in Liverpool ama Chelsea oo iyaguna ay adagtahay inay u dhaqaaqaan xiddig 30 sano jir dhaafay ay dhinaciisa eegaan.

Manchester City ayaa u muuqata mid doorbidaysa saxeexa weeraryahan da’ ahaana ka yar sidoo kale English ah waxaana bar-tilmaameedka koowaad u ah Harry Kane.

Ugu dambayn, kooxaha waqooyiga London ee Arsenal iyo Tottenham ayaa iyaguna ah kuwo aan ciyaari doonin tartamada Yurub taas oo meesha ka saaraysa inuu u dhaqaaqo.

Taas ayaa ka dhigan in Griezmann kooxda uu doonayo oo ay kooxdiiisii hore ee Atletico Madrid aysan kooxdiisa Barca la rabin isla markaana kooxaha Premier League ee Barca la doonayso aysan iyagu rabin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More