Hakim Ziyech Oo Fariin U Diray Saaxiibkiisa Donny van de

Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Hakim Ziyech ayaa ugu baaqay Donny van de Beek inuu isdejiyo ka dib markii uu si aan fiicneyn ku bilowday waayihiisa Manchester United.

Labada xiddig ayaa ka tagay Ajax dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore iyadoo Ziyech uu 36 milyan ginni ugu wareegay Chelsea halka Van de Beek uu 35 milyan ginni ugu biiray Man United.

Ziyech ayay waqti dheer ku qaadatay inuu u dheelo Chelsea madaama dhaawac uu ahaa laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa ku soo bilowday kulankiisii ugu horeysay ee Premier League Sabtidii la soo dhaafay kulankii ay Chelsea barbaraha 3-3 la gashay Southampton.

Dhanka kale, Van de Beek ayaan weli ku soo bilaabanin kulan Premier League ah xilli ciyaareedkan, wuxuuna ciyaaray kaliya labo daqiiqo guushii Champions League ee ay ka gaareen Paris Saint-Germain.

Laakiin Ziyech ayaa u sheegay saaxiibkiisii hore ee Ajax inuu sabar muujiyo isagoo kalsooni ku qaba in 23 jirkaan uu tayo ku soo kordhin doono kooxda Ole Gunnar Solskjaer.

“Waxaan wadahadalnay bilowgii markii uu u wareegay Manchester United” ayuu yiri Ziyech.

“Isbuucii la soo dhaafay wax badan ma aanan wada hadlin, kama aanan wada hadlin xaaladiisa.

“Waxaan qabaa inuu u baahan yahay waqti.

“Wuxuu ka yimid wadan kale oo qaab ciyaareed ka duwan halkaan laga dheelo.

“Waan hubaa inay qaadan doonto waqti inuu la qabsado wax walba, ka dibna waan ogahay inuu tayo ku soo kordhin doono kooxdaas.

“Isaga ahaan waxa u muhiimsan haatan waa inuu isdejiyo”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More