Hordhac: Man United vs Burnley – Rikoodhka Kulamadoodii Hore, Old

Manchester United ayaa tallaabo weyn hore ugu qaadaysa sidii ay u diyaarsan lahayd booskeeda Champions League oo ay ugu dhowaan lahayd in ay damaanad ka dhigato marka ay garoonkeeda Old Trafford ku qaabbisho Burnley galabta.

United oo ku jirta kaalinta afraad ayaa toddoba dhibcood ka horreysa Leicester City oo kaalinta afraad fadhida, kulankeeda usbuucanna ciyaari doonta Khamiista maadaama ay maanta semi-finalka FA Cup la dheelayso Southampton, waxaanay taasi fursad weyn u tahay Red Devils oo 10 dhibcood ka horreyn doonta.

Burnley ayaa dhinaceeda u dhibaatoonaysa xilli ciyaareedkan, waxaanay ku jirtaa kaalinta 17aad iyadoo 33 dhibcood oo kaliya ka heshay 31 ciyaarood oo ay dheeshay.

Xaqiiqooyinka kulanka

Manchester United ayaa raadinaysa in guushii labaad oo raaxo leh ay ka gaadho Burnley xilli ciyaareedkan, waxaanay u noqon doontaa markii u horreysay ee labada kulanba ay xilli ciyaareed gudihii ka badiso tan iyo 1975-76.

Burnley ayaa guuleysatay ciyaartii waqtigan oo kale ay labada kooxood ku kulmeen xilli ciyaareedkii hore, markaas oo ay Red Devils ku garaacday 2-0.

Burnley ayaan laga badinin afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay Manchester United ugu tagtay Old Trafford, iyadoo saddex barbarro ah iyo mar badis ah kasoo heshay. Haddii ay maanta guul-darro ka badbaado, waxay noqon doontaa kooxdii ugu horreysay ee shan ciyaarood oo Premier League ah oo isku xiga Old Trafford kaga badbaaday guul-darro. Chelsea ayaa laba jeer oo hore rikoodhkan ooi kale uga samaysay Old Trafford sannadihii 1994 iyo 1998.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Manchester United vs Burnley

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 6pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Old Trafford

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Marcus Rashford ayaa xaaladdiisa  la qiimayn doonaa ka hor ciyaarta Burnley, iyadoo 23 jirkani uu ka cabanayo dhaawac lugta iyo kuraantaba ah, waxaana uu ka maqnaa tababarkii kooxda ee Arbacadii isagoo noqday beddel aan la isticmaalin kulankii Europa League ee Khamiistii ee Granada ah.

Harry Maguire, Luke Shaw iyo Scott McTominay oo ganaax ku maqnaa Khamiistii ayaa dib ugu soo laabtay kooxda, waxa kale oo isaguna kasoo baxay karantiilkii Korona Fayraska difaaca reer Ivory Coast ee Eric Bailly, waxaase dhaawacyo ah Anthony Martial iyo Phil Jones.

Burnley waxa ka maqan goolhayaha xulka England ee Nick Pope oo kulankii labaad oo xidhiidh ah seegaya, waxaana tababare Dwight McNeil walaaca kusii kordhiyey Sean Dyche.

Ashley Barnes, Robbie Brady iyo Kevin Long ayaa dhamaantood dhaawacyo waqti dheer ah ku maqan.

Shaxaha Macquulka ah ee labada kooxood

Manchester United: Henderson; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; Fred, McTominay; Rashford, Fernandes, Pogba; Cavani

Burnley: Peacock-Farrell; Lowton, Tarkowski, Mee, Pieters; Gudmundsson, Brownhill, Westwood, McNeil; Wood, Vydra

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More