Hordhaca Crystal Palace vs Chelsea – Xasuuqii West Brom Oo Weli Ka

Chelsea ayaa u baahan inay wadada guusha horyaalka ku soo laabato ka hor inta aysan Champions League la dheelin FC Porto ka dib xasuuq ka soo gaaray kooxda West Brom.

Garoonka Selhurst Park ayaa ah meel ay adag tahay in dhibco lagu qaatao laakiin iyadoo Chelsea uu ganaax kaga maqan yahay Thiago Silva waxay u muuqataa mid soo gabagabeysa isbuuc adag oo soo maray Thomas Tichel.

Palace waxaa u jooga daafac ku riayaaqaya waqtigiisii ugu danbeeyay ciyaaraha oo ah GaryCahill taasoo faa’ido u noqon karta kooxdiisa hore ee Chelsea.

MAXAA KA CUSUB?

Crystal Palace waxaa ka maqnaan doona weeraryahanka amaahda ugu jooga Michy Batshuayi kaasoo aan ka horimaan karin kooxda iska leh milkiyadiisa.

Waxaase dhiirogelin u ah soo laabashada James McCarthy iyo Tyrick Mitchell laakiin Conor Wickham ayaa dhaawac yar qaba kaasoo ku biiraya liiska dhaawacyada ee kooxda.

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa ciyaarta ka hor sheegay inuu heystay ciyaartoy taam buuxda ah.

Si kastaba, daafaca Thiago SIlva ayaa ganaax kaga maqan ka dib casaankii uu qaatay kulankii West Brom ee todobaadkii la soo dhaafay.

Kulanka: Crystal Palace vs Chelsea

Waqtiga: 7:30pm Saacada Geeska Afrika

Garoonka Selhurst Park

Natiijada xilli ciyaareedkii hore: Crystal Palace 2-3 Chelsea

Garsoore Michael Oliver

SHAXDA MACQUULKA AH:

Crystal Palace (4-4-2): Guaita; Ward, Kouyate, Cahill, Van Aanholt; Ayew, Milivojevic, Riedwald, Eze; Benteke, Zaha

Chelsea (3-4-3): Mendy; Rudiger, Christensen, Azpilicueta; Alonso, Kante, Jorginho, James; Mount, Giroud, Pulisic.

MA OGTAHAY?

Crystal Palace waxaa laga badiyay lixdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka ee ay ka horyimaadeen Chelsea, waana guuldarooyinkoodii ugu xumaa hal koox ka soo gaarta.

Barbaro kuma aysan dhaaminin 19kii kulan ee ugu danbeysay Premier League ee ay labadaan kooxood iska horyimaadeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More