Iimaan La’aan Iyo Cunto Jacayl Ayaa Ka Joojisay Inuu Noqdo Xiddiga

Sannadkii 2007 ayay Manchester United kasoo iibsatay Porto isagoo ka mid ahaa xiddigaha ugu wanaagsanaa kubadda cagta ee waqtigaas soo baxayay, laakiin markii uu yimid Old Trafford, waxa kusoo baxday iimaan la’aan iyo cuntooyin aanu yaraantiisii heli jirin oo uu iska qaban kari waayey.

Inkasta oo uu kula guuleystay afar horyaal oo Premier League ah, isla markaana uu qayb ka ahaa guushii Champions League ee sannadkii 2008, haddana laacibkan ayaa cimri degdeg kaga baxay garoomada. Dagaalkii joogtada ahaa ee khadka dhexe ee Manchester United iyo cayil ku yimid xilli uu cuntada iska qaban kari waayey, waxa toddoba sannadood iyo badh uu ka ciyaarayay Old Trafford uu kusoo bilowday 118 ciyaarood, kaddibna waxa uu ku laabtay waddankiisa Brazil.

Ciyaaryahanka aan ka sheekaynaynaa waa Anderson oo aad ku xasuusato isagoo No.8 u xidhan Manchester United, haddii uu noqon lahaa mid jidhkiisa ilaaliya oo cuntooyinkana u qaata si taxadar leh, wuxuu ku guuleysan lahaa xiddigga adduunka, sida uu rumaysan yahay Rafael oo difaaca uga ciyaari jiray Manchester United.

Rafael oo waqtigan ka tirsan kooxda Istanbul Basaksehir, kana hor yimid Manchester United xilli ciyaareedkii hore markii ay Champions League ku kulmeen labadan kooxood, waxa uu ka sheekeeyey wixii helay Anderson ee isagoo loo saadaalinayo xiddignimo adduun uu si lama filaan ah ugu shiiqay.

Dhibaatada haleeshay ayuu ku tilmaamay inay ahayd inuu Anderson aad u jeclaa cuntooyinka macmacaanka leh ee McDonald’s. iyagoo jidka sii socda oo xataa tababareyaashu la saaran yihiin baska, ayaa marka uu Anderson arko makhaayadaha McDonald’s uu si degdeg ah uga boodi jiray baska oo uu soo qaadan jiray.

Rafael wuxuu sheegay in markii uu Anderson dhaawacmay uu isku illoobay cuntada uu jeclaa oo uu iska joojin kari waayey, taasina ku keentay inuu aad u naaxo.

“Haddii uu ahaan lahaa ciyaartoy xirfadle ah oo uu is ilaalin lahaa, wuxuu noqon karayay ciyaartoyga ugu wanaagsan kubadda cagta”. Ayuu yidhi Rafael oo ay mataano ahaayeen Fabio oo isaguna Manchester United ay u wada ciyaari jireen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More