Inter Milan Oo Magacowday Qiimaha Ay Ku Iibinayso Xiddigeeda Romelu

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa u sheegtay dhiggeeda Chelsea qiimaha ay ku iibinayso weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku, kaas oo tababare Thomas Tuchel uu doonayo inuu lasoo saxeexdo kaddib markii ay Borussia Dortmund u diiday Erling Haaland.

Thomas Tuchel ayaa suuqa ka raadinaya weeraryahan dhaliye dabiici ah oo goolal badan u dhalin kara si aanay u gelin mushkiladdii xilli ciyaareedkii hore oo kale oo ay iska waayeen cid goolal u keenta, isla markaana uu Tammy Abraham oo 12 gool dhaliyey ahaa laacibka dhaliyahooda ugu weyn ah.

Ka hor inta aanu bilaabmin xilli ciyaareedka 2021/22, Blues ayay ka go’an tahay inay hesho weeraryahan, waxaanay xataa muujisay xiise ay u hayso weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski oo Bayern Munich afka hore uga ciyaara.

Sida uu qoray wargeyska Tuttosport, Inter Milan ayaa go’aamisay in ay ku iibiso Romelu Lukaku lacag gaadhaysa £102.5 milyan oo Gini, taas oo ay Chelsea ka fiirsanayso in ay bixiso si ay dib ugu soo ceshato laacibkan.

Lukaku oo ay Inter Milan kusoo iibsatay £74 milyan oo Gini xagaagii 2019 oo ay kaga soo qaadatay Manchester United ayaa waxa uu u dhaliyey 34 gool oo dhamaan tartamada ah xilli ciyaareedkiisii u horreeyey, waxaanu ku xigsiiyey 33 gool oo uu xilli ciyaareedkiisii labaad saxeexay.

Waxa uu ka caawiyey in ay ku guuleystaan horyaalka Serie A oo ay ugu dambaysay sannadkii 2010kii.

Romelu Lukaku ayaa hore ugu soo ciyaaray Chelsea muddadii u dhaxaysay 2011 illaa 2014 oo uu ka mid ahaa da’yarteeda, amaahona ay ku siiyeen West Ham iyo Everton ka hor intii aanay si rasmi ah u iibin.

Manchester United ayuu laba sannadood ku qaatay ka hor intii aanay Inter Milan lacagta badan ku iibsanin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More