Iska Illow Lionel Messi Iyo Lewandowski, Zola Oo Magacaabay Xiddiga

Lionel Messi iyo Robert Lewandowski midkoodna uma qalmo in uu ku guuleysto abaal-marinta xiddiga adduunka ee sannadkan, waxaana jira laacib kale oo ka mudan oo ay tahay inuu qaato Ballon d’Or, sida uu rumaysan yahay halyeygii Chelsea iyo xulka Talyaaniga ee Gianfranco Zola.

Xilli ciyaareedkii dhamaaday ayaa qiimayntii ciyaartoyda ee horyaallada waxa isbeddel ku keenaya tartamada Euro 2020 iyo Copa America ee ka dambeeyey, waxaana fursad fiican haysta laacibiintii bandhigga fiican iyo guulahaba ka soo hooyey, kuwaas oo saadaasha Ballon d’Or kaga horreeya ciyaaryahannada kale.

Lionel Messi ayaa waddankiisa Argentina u qaaday Copa America, waxaanay u ahayd markii ugu horreysya ee uu koob ku hoggaamiyo, laakiin horyaalka LaLiga oo uu kaga dhamaystirtay dhaliyaha ugu sarreeya ayaanu ku guuleysan.

Gianfranco Zola oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in bandhigga Messi iyo sidoo kale midkii uu sameeyey Robert Lewandowski oo dhigay rikoodh gool-dhalinta oo horyaalka Bundesliga ah, in labadoodaba uu ka mudan yahay laacibka khadka dhexe uga ciyaara Talyaaniga iyo Chelsea ee Jorginho.

29 jirkan ayaa xilli ciyaareed qurux badnaa oo guulo ku ladhnaayeen soo qaatay, waxaanu Chelsea kula guuleystay Champions League halka dalkiisana uu la qaaday Euro 2020.

Zola ayaa yidhi: “Miyey siinayaan Jorinho [Ballon d’Or]? Wuu u qalmayaa, sababtoo ah wuxuu kooxihiisa u abuuraa dheellitirnaan adag, bandhiggiisuna kaliya heersare ma aha balse kooxaha uu u ciyaarayo ayaa uu ka dhigaa kuwo cajiib ah.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More