Isku Koox Ayay Ahaayeen, Haddana Waxa Uu Doonayay Inuu

Roy Keane iyo Jason McAteer waxay u wada ciyaareen xulka qaranka Republic of Ireland, waxaanay ahaayeen wadaageyaal qolka lebbiska oo ah oo waddankooda guul u wada raadinayey, laakiin haddana Jason McAteer ayaa qirtay inuu doonayay inuu dhaawac culus u geysto saaxiibkii.

Jason McAteer oo ay da’diisu tahay 49 jir, waxa waqtigiisii uu ugu caansanaa uu kusoo qaatay Liverpool, waxaana waqtiyadii uu Anfield joogay ay dagaal iskala hor iman jireen Roy Keane oo ahaa kabtanka Manchester United, taas oo keentay inuu illoobo inay isku koox yihiin markay xulka qarankooda u wada ciyaarayaan.

Labadan ciyaartoy ayaa dagaalkooda ugu culus uu bilaabmay sannadkii 2002 markii uu Roy Keane si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu ka fadhiisanayo xulka qarankiisa iyadoo ay u baxeen Koobkii Adduunka, waxaana intaa wixii ka dambeeyey lagu arkay iyagoo garoomada lagu kala jiidayo oo dagaal sanka isla gelaya.

Xilliyadii ay fiintu dhex-miranaysay, waxa Jason McAteer uu joogay Sunderland, waana waqtiga uu ku fikiray inuu dhaawac u geysto Keane si uu garoomadaba uga baxo, maadaama uu ka fadhiistay ciyaarihii qarankiisa.

Jason McAteer ayaa hadda ka sheekeeyey dhacdooyinkaas, waxaanu yidhi: “Mararka qaarkood waxaad garoomada iskaga hor imanaysaan ciyaartooyo aad isku waddan tihiin, sida markii Leeds ee aan ka hor tegay Ian Harte, laakiin waligay kamaan fikirin inaan waxyeello u geysto.

“Dhinaca bidix ayuu isagu ka ciyaarayay, aniguna dhinaca midig, mar walbana waxay noo ahayd dagaal, laakiin ciyaar caadi ah ayaanu dheelaynay, marka ay ciyaartu bilaabmayso iyo marka ay dhamaatana xabbadka ayaanu is gelin jirnay (salaamaynay).

“Laakiin Roy (Keane), waxa aad doonaysaa inaad jajabiso, waxaad doonaysaa inaad dhaawacdo. Kama kacaysid, waxa aad ku odhanaysay ereyo xun, waad u badheedhaysay, gacantana kamaan salaamayn dhamaadka ciyaarta. Sidaas ayay noo ahayd.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More