Jahwareerkii Arsenal Ee Xagaagan Oo Laba Jibaarmay & Mikel Arteta Oo

Qorshihii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Arsenal ayaa fashilmay ka dib markii uu Korona Fayras ka dilaacay xeradooda tababarka taasoo keentay inay kansalaan booqashadii ay ku tagi lahaayeen Mareykanka.

Kooxda ayaa u duuli laheyd gobolka Florida ee dalka Mareykanka todobaadkan laakiin tiro yar oo ciyaartoy ah iyo shaqaalaha kooxda ayaa waxaa ku dhacay Korona Fayras.

Baaritaano lagu sameeyay kooxda maalintii Isniinta ayaa waxaa lagu ogaaday in qaar ka mid ah ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxda inay qabaan cudurka, baaritaano kale ayaa laga qaaday shalay oo Talaado aheyd iyadoo qorshuhu ahaa inay duulaan maanta oo Arbaco ah.

Si kastaba safarkooda ayaa la kansalay iyagoo ku balansanaa inay dalka Mareykanka kula ciyaaraan kooxda Inter Milan habeenkii Axada koobka Florida Cup.

Guuleystaha kulankaan ayaa wajihi lahaa midkii soo badiya kooxaha Everton iyo kooxda reer Colombia ee Millonarios iyadoo finalka uu ku taariikheysnaa 28ka bishaan July.

Everton ayaa weli qorsheyneysa inay ka qeyb qaadato tartanka saaxiibtinimo.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkeeda Premier League waxay ku bilaabaneysaa kulan ay la ciyaareyso kooxda Brentford 13ka bisha Agoosto.

Kooxda Mikel Arteta ayaa guuldarro lama filaan ah oo 2-1 ah waxay ka soo gaartay kooxda reer Scotland ee Hibernian kulankoodii ugu horeeyay ee saaxiibtinimo ee xagaagan ka hor inta aysan barbaro 2-2 la gelin kooxda Rangers.

Waxay haatan raadinayaan koox ay la ciyaaraan 10ka maalmood ee soo socda iyadoo jadwalkooda ay ugu jirto labo kulan kale oo saaxiibtinimo.

Waxay Waqooyiga London kula dheelayaan Chelsea 1da bisha Agoosto ka hor inta aysan martigelinin 8da bisha Agoosto kooxda Tottenham.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More