Jamaahiirta Oo Loo Ogolaaday Inay Garoonka Yimaaddaan

Kulanka ugu dambeeya marxaladda Groups-ka ee ay ku ballansan yihiin Barcelona iyo Juventus ee dhici doona December 8 ayaa loo ogolaan doonaa inay taageereyaashu dib ugu soo laabtaan garoonka oo ay ka daawadaan ciyaarta.

Sida ay ku warrantay Agencia EFE, ciyaartan oo ka dhici doonta garoonka Barcelona ee Camp Nou, noqona doonta kulanka lixaad ee ugu dambeeya Groupkan ayay dawlad goboleedka Catalonia u ogolaan doontaa inay daawadaan taageereyaal cayiman oo raacaya tilmaamaha ilaalinta badqabka ee loo dejiyey xakamaynta xanuunka Korona Fayras.

Tirada taageereyaasha loo ogolaan doono inay yimaaddaan garoonka ayaa la sheegay inay noqon doonto 5,000 qof oo kala fogaan doona, ayna arrintan isla soo qaadeen kooxda Barcelona iyo maamul goboleedka.

Go’aanka loogu ogolaanayo taageereyaashu inay kusoo laabtaan garoonka oo noqon doona markii ugu horreysay ee tan iyo bishii March ee sannadkan ay Camp Nou soo galaan taageereyaal ayaa go’aankiisa rasmiga ah laga sugayaa dawladda oo shaacin doonta.

UEFA ayaa hore u ogolaatay in tartamada ay maamusho lagu ciyaaro taageereyaal, waxaana ciyaartii ugu horreysay ee ay kasoo qayb-galeen jamaahiirtu ay ahayd UEFA Super Cup oo bishii September ay Bayern Munich iyo Sevilla wada ciyaareen, taas oo ay garoonka  joogeen 15,000 qof oo daawadeyaal ah.

“Kulanka Juventus, illaa ay xaaladda aafada xanuunkani kasii darto mooyaane, waxa aan sheegi karayaa in iyadoo la raacayo tilmaamaha ay suurtogal tahay inay diyaar tahay in Barcelona ay Camp Nou ku heli doonto taageereyaal.” Waxa sidaa yidhi xoghayaha guud ee ciyaaraha gobolka Catalonia oo soo saaray war-saxaafadeed ay daabacday wakaaladda wararka ee EFE.

Ciyaarta hore ee Barcelona iyo Juventus ee ka dhici doonta waddanka Talyaaniga ayaa la sheegayaa in Cristiano Ronaldo uu ka maqnaan doono kaddib markii baadhitaano lagu sameeyey shalay lagu ogaaday in wali uu hayo xanuunka Korona Fayras oo toddobaadkii hore ku dhacay.

Laakiin lugta xigta ee bisha December ayaa la filayaa inuu ciyaari doono haddii aanay musiibooyin kale dhicin oo uu taam ahaado.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More