Jamie Carragher Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Winjaldum Oo Eedaymo U

Jamie Carragher ayaa eedaymo u jeediyey laacibkii hore ee Liverpool ee Georginio Wijnaldum oo si bilaash ah ugu wareegay PSG xagaagan kaddib markii uu dhamaaday qandaraaskiisii Anfield.

Laacibka reer Netherlands ee Wijnaldum ayaa iska diiday inuu heshiis cusub u saxeexo Liverpool, taas beddelkeedana waxa uu go’aansaday inuu si bilaash ah kaga baxo, laakiin markii uu tegay PSG, waxa uu eedaymo usoo jeediyey kooxdiisa hore oo uu sheegay in aanu marnaba ku helin jacayl iyo ixtiraan, taas beddelkeedana uu ahaa laacibka kaliya ee eeddu saaran tahay marka ay kooxdu guul-darraysato.

“Maalin kasta tababarka iyo ciyaartaba, wax walba waan siinayay. Liverpool wax weyn ayay ii ahayd, balse waxa jirtay waqtiyo aanan halkaas ku dareemayn jacayl iyo ixtiraam.” Ayuu yidhi Wijnaldum oo u warramayay wargeyska The Times.

Waxa uu intaa raaciyey: “May ahayn ciyaartoyda iyo dadka jooga Melwood [garoonka tababarka]. Waan ogaa in iyagu ay dhamaantood i jecel yihiin, aniguna waan jeclaa. Dhinacaas kama imanaynin, laakiin waxay ahayd dhinaca kale [maamulka ayaa loo fahmay].

“Waxa jiray waqti aanan kalgacayl dareemin. Labadii sannadood ee u dambeeyey, way yarayd inta aan jacayl dareemay.”

Waxa kale oo uu Wijnaldum ka cawday taageereyaasha oo uu sheegay inay eedaymo u jeedin jireen marka ay wax ka si’ yihiin iyo sidoo kale baraha bulshada oo uu xusay in lagu bartilmaameedsan jiray.

Si kastaba, Halyeygii Liverpool ee Jamie Carragher ayaa si kulul uga jawaabay, waxaana qoraal uu bartiisa bulshada ee Twitter-ka soo dhigay uu ku yidhi: “Anigu waan jecelahay Gini laakiin tani sax ma aha, baraha bulshadu waa goob lagu ciyaaro oo koox walba waxay leedahay dad si xun u isticmaala. Iska xidh ogeysiiska haddii uu ku dhibayana iska masax App-ka! Wuxuu kooxda ka doonayay lacag badan waana loo diiday, kubadda cagta ayaaba sidaas ah.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More