Joojiya Sancho Oo Keena….- Xiddiga Ay Ciyaaryahanadda Man United Sida

Manchester United ayaa suuqii xagaaga ee sanadkii hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Jadon Sancho waxaana la filayay inay Borussia Dortmund kala soo wareegi doonaan walow ay iska diideen inay bixiyaan lacagtii lagu heli karayay.

Xagaaga sanadkan ayaa la filayaa inay sidii hore wax iska bedeli doonaan oo ay kooxdaasi samayn doonto saxeexa Jadon oo markan 75 Milyan oo pound lagu heli karo halka uu xagaagii hore 120 Milyan oo pound ka ahaa.

Man United ayaa xagaaga sanadkan sidii hore uga soo jiidasho badan Sancho sababtoo ah inay booska labaad kaga dhammaysteen Premier League isla markaana ay joogaan Final-ka Europa League.

Sida uu sheegayo wargeyska The Telegraph, waxa jirta hal sabab oo diidi karta in Jadon Sancho uu ciyaaryahan Man United ah noqdo xagaaga waana aragtida qolka labiska ee kooxda.

Warbixinta ayaa sheegaysa in tababare Solskjaer uu doonayo saxeexa Sancho isagu shaqsiyan balse ay ciyaaryahanada kooxdu doonayaan saxeexa kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish.

Ciyaaryahanadda United ayaa la sheegayaa inay aad ula dhacsan yihiin qaab ciyaareedkii Jack Grealish ee xilli ciyaareedkan isla markaana ay u arkaan mid ku haboon kooxda.

Grealish oo 25 sano jir ah ayaa United ka qaadan doona lacag lamid ah mida Sancho oo 21 sano jir ah waana 75 Milyan oo pound walow ay adkaan doonto in kooxda uu kasoo baxay ee Aston Villa laga soo kaxeeyo.

Dhawaan ayay ahayd markii wakiilka Jack ee Johnathan Barnett uu sheegay in ciyaaryahankiisa kooxaha doonaya ay ugu horreyso Manchester United.

Akhriste adigu haddiiba aad tahay taageere Man United ah midkee ayaad jeclaan lahayd in kooxdaadu lasoo saxeexato Jadon Sancho iyo Jack Grealish suuqa xagaaga sanadkan 2021?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More