Jurgen Klopp Oo Shaaciyey Waqtiga Uu Ibrahima Konate Ciyaarayo

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaciyey waqtiga uu kulankiisa ugu horreeya ciyaari doono difaacii cusbaa ee ay xagaagan soo iibsadeen ee Ibrahima Konrate.

Laacibkan ayay Liverpool kala soo wareegtay RB Leipzig bishii May iyadoo kasoo bixisay lacag dhan £36 milyan oo Gini, waxaanu tababarka kooxda ee Austria kula soo biiray Isniintii.

Difaacan reer France ee Muslimka ah ayuu Jurgen Klopp sheegay in uu kulankiisa ugu horreeya noqon doono ciyaarta saaxiibtinimo ee Salaasada oo laba kulan oo min 30 daqiiqadood ah ay la kala ballansan yihiin Wacker Innsbruck iyo Stuttgart.

Klopp oo la weydiiyey waqtiga uu Ibrahima Konate ciyaari doono, ayaa ku jawaabay: “Salaasada ayuu ciyaari doonaa. Wuxuu qaatay nasasho wanaagsan iyo diyaar-garow caadi ah illaa hadda, sidaa darteed wuu ciyaari karaa Salaasada.

“Ibou (Ibrahima Konate) waxa muhiim ah inuu helo daqiiqado si degdeg ah.”

Kaddib labada kulan ee saaxiibtinimo ee Salaasada ay Liverpool la kala ciyaarayso Wacker Innsbruch iyo Stuttgart, waxay isku diyaarin doontaa ciyaar dhamaystiran oo ay Jimcaha ku waajihi doonto Mainz, taas oo la filayo inay kasoo muuqan doonaan difaacyadii Liverpool dhaawaca kaga maqnaa xilli ciyaareedkii hore ee Joe Gomez, Virgil van Dijk iyo Joel Matip. Konate ayaa isagana la filayaa inay u noqoto ciyaar uu isku muujin karo.

Liverpool ayaa horyaalka Premier League ku furan doonta kooxda heerka labaad kasoo dallacday ee Norwich City oo ay kulmi doonaan maalinta Sabtid ee August 14.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More