Juventus Oo Miralem Pjanic Dib Uga Doonaysa Barcelona & Xiddiga Ay

Kooxda ree Talyaani ee Juventus ayaa ah mid xiisaynaysa inay khadkeedii dhexe ee Miralem Pjanic dib ugala wareegto dhigeeda Barcelona oo uu hadda xilli ciyaareed ku qaatay balse uusan wax muhiimad ah ka lahayn.

Pjanic ayaa lala xidhiidhinayay inuu iskaga tago Barcelona kahor xilli ciyaareedka 2021-22 xilli uu tababare Ronald Koeman doonayo inuu soo koobo safka ciyaaryahanada ah ee uu haysto.

Tababaraha Dutch-ka ah ayaa doonaya inuu diro xiddigaha aan muhiimka u ahayn si uu kuwa cusub u diiwaan gashado balse Pjanic ayaa ilaa haatan ku gacan saydhay fursada uu kooxda kaga tagi karo.

Dhibaatada dhaqaale ee ay Barcelona dhexda kaga jirto ayaa ka caawinaysa Juventus inay wadaxaajoodka ay doonaan la galaan kooxdaas waxaana ay diyaar u yihiin inay heshiis ciyaaryahano is-dhaafsi kaga doonaan Pjanic sida lagu sheegay Football Italia.

Ciyaaryahanka ay Juve usoo bandhigtay Barcelona ayaa ah xiddigii hore ee Arsenal ee Aaron Ramsey, tababare Koeman ayaa la sheegayaa inuu xiisaynayo Ramsey balse caqabada ayaa ah in mushaharka uu ka qaato Juve uu ka badan yahay midka uu Pjanic ka qaato Barca.

Laakiin haddiiba uu xiddiga heer caalami ee xulka qaranka Wales sameeyo mushahar dhimis ayay macquul tahay inuu dhaco heshiis la isku dhaafsanayo isaga iyo Miralem Pjanic.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More