Juventus Oo U Xadhko-Xidhatay Xiddigii Talyaaniga Ee Arsenal Lala

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa wada-hadallo la bilaabaysa dhiggeeda Sassuolo oo ay rajaynayso in ay heshiis ka gaadhaan xiddiga khadka dhexe ee Talyaaniga ah ee Manuel Locatelli.

Laacibkan oo wacdaro ka dhigay tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 ayaa kusoo baxay bartilmaameedka Juvenuts markii uu bandhig fiican ka sameeyey xilli ciyaareedkii tegay ee 2020-21, isla markaana uu dalkiisa ka caawiyey inay ku guuleystaan koobka Yurub.

Locatelli oo ay da’diisu tahay 23 jir waxa si weyn loola xidhiidhinayay Arsenal, balse waxa kaga xoog roonaatay Juventus maadaama uu ciyaaryahanku doonayo inuu ka ciyaaro tartanka Champions League oo aanay Gunners ku jirin.

Juventus ayaa hore uga gudbisay dalab lasoo diiday oo ahaa laba sannadood oo amaah ah iyo marka ay dhamaadaan oo ay kula wareegto €30 milyan oo Euro, iyadoo Sassuolo u sheegtay in kaliya uu iib ku bixi doono laacibkani.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay, in hadda ay Juventus si rasmi ah ugu dhaqaaqayso heshiiska laacibkan oo ay ka gudbin doonto dalab €40 milyan oo Euro oo kaash ah.

Warka ayaa intaa ku daray, in Bianconeri [Juventus] ay maalinta Arbacada ama Khamiista wada-hadallo toos ah la bilaabi doonto Sassuolo oo ay ka wada-xaajoon doonaan sidi ay ula kala wareegi lahaayeen Locatelli.

Juventus ayaa la fahamsan yahay in ay Sassuolo u bandhigi doonto Radu Dragusin iyo Nicolo Fagioli si ay uga fudaydiyaan lacagta ay kooxdaasi dalbanayso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More