Ka Dib Aflagaadadii Jurgen Klopp Ee Garoonka Real Madrid, Hadiyad Ayaa

Jurgen Klopp ayaa hadiyad ahaan loo siinayaa naqshada garoonka Alfredo Di Stefano oo 3D ah ka dib markii uu ku maadeystay Real Madrid oo ku ciyaareysa garoonka kooxdeeda da’ yarta.

Iyadoo dhismo dayactir ah uu ka socdo garoonka taariikhiga ah ee Santiago Bernabeu islamarkaana Korona Fayras darteed aan taageerayaasha loo ogoleyn garoomada, Real Madrid waxay kulamadeeda minanka oo dhan ku ciyaareysay garoonka Alfredo di Stefano oo qaada lix kun taageerayaal ah.

Waxay ku ciyaareen kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Liverpool ee lugta hore ee wareega 8da Champions League, tababare Jurgen Klopp kuma faraxsaneyn in kooxdiisa ay halkaas ku dheesho.

Waxa uu ciyaarta ka hor ku tilmaamay garoonka inuu yahay garoon tababar, ka dib markii ay ciyaara soo dhamaatayna wuxuu yiri:

“Qariib ayay aheyd caawa sababtoo ah garoonka iyo xaaladiisa laakiin Anfield ugu yaraan waxaan ku dheeli doona garoonka rasmi  ah taasoo inoo fiicnaan doonta.”

Isagoo u jawaabayay tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa sheegay in kooxdiisa ay ku faaneyso inay ku ciyaarta garoonka kooxdeeda juunyeerka.

Ka dib hadalada ka soo yeeray Klopp, shirkada Eleven Force ayaa sheegay inay Jurgen Klopp u diranayaa naqshada garoonka Alfredo di Stefano oo 3D ah waxayna rajeynayaa inuu dhanka maada ah ka eego xaalada.

Waxay sidoo kale u diri doonaan naqshada garoonka kale ee Madrid ee Wanda Metropolitano oo ah goobtii uu ku qaaday koobkiisii ugu horeysay ee Champions League ka dib markii ay kooxdiisa Liverpool 2-0 ku garaacday Spurs finalka.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More