Kabtanka Arsenal Ee Aubameyang Ee Duumadu Ku Dhacday Oo La Go’aamiyey

Arsenal ayaa shaacisay waqtiga uu garoomada kusoo noqon doonto kabtankeeda Pierre-Emerick Aubameyang  oo kasoo kabanaya xanuunka Duumada/kaneecada oo uu cusbitaalka u jiifay in muddo ah.

Weeraryahanka reer Gabon ayaa laba kulan oo kooxdiisa ah kaga maqnaa xanuunkan oo uu kasoo qaaday kulamadii caalamiga ahaa ee uu waddankiisa ee uu u yimid qaaradda Afrika bishii hore, una ciyaaray waddankiisa isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika.

Tababare Mikel Arteta ayaa xaqiijiyey in laacibkani aanu qayb ka ahayn kulanka Fulham ee Axadda oo ay kooxdiisu u baahan tahay in ay hesho guul si ay sare ugu soo kacdo oo ay kusoo dhowaato Everton oo kaalinta siddeedaad ku jirta, taas oo ay u jirsan karto hal dhibic kaliya.

Mikel Arteta oo la hadlayay warbaahinta, ayaa shaaciyey in Pierre-Emerick Aubameyang uu kooxda kusoo laaban doono ciyaarta Everton ee Jimcaha ee April 23, laakiin inta ka horreysa aanu taam u noqon karin.

Aubameyang ayaa isaguna taageereyaasha uga mahad celiyey farriimihii ducada iyo telefoonadii ay usoo direen intii uu cusbitaalka ku jiray ee uu xanuunka duumada la fiifay, waxaana qoraal uu bartiisa bulshada ku daabacay uu ku yidhi: “Waad ku mahadsan tihiin farriimihii qoraalka ahaa iyo wicitaankiinii. Nasiib-darro waxa igu dhacday Duumo/malaria intii aan ku maqnaa xulkayga Gabon toddobaadyo yar ka hor.

“Maalmo ayaan cusbitaalka ku jiray toddobaadkan laakiin hadda waan soo fiicnaanayaa maalinba maalinta ka dambaysa, way mahadsan yihiin dhakhaatiirta wanaagsan ee helay xanuunkayga, sida degdegga ahna iiga daaweeyey fayraska.”

Aubameyang oo ay da’diisu tahay 31 jir ayaa xilli ciyaareedkan uu bandhiggiisu hoos u dhacay, waxaana kaliya uu dhaliyey 14 gool oo dhamaan tartamada ah, halka kulamo badanna kaydka loo diray.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More