Kepa Arrabalaga oo Digniin Culus U Diray Goolhayaha Chelsea

Goolhayaha booskiisa luminaya ee Chelsea ee Kepa Arrizabalga ayaa ballan ku qaaday inuu dib u xoogsan doono booskiisii oo uu soo ceshan doono, xilli uu yimid Mendy oo durba la wareegay goolhayenimada koowaad ee kooxda.

Kepa oo ay Blues £71 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Athletico Bilabo sannadkii 2018kii ayaa waxa hore kaydka u geliyey Willy Caballero oo ka faa’iidaystay qaladaad badan oo uu sameeyey 25 jirka reer Spain, laakiin waxa mugdi sii geliyey imaatinka Edouard Mendy.

Laacibka uu goolhayaha 39 jirka ahi kaydka dhigay ee Kepa oo hadda la socda xulka qaranka Spain ee ka qayb-gelaya kulamada UEFA Nations League ee toddobaadka dambe ay la ciyaarayaan Switerland iyo Ukraine iyo kulanka saaxiibtinimo ee Portugal, ayaa waxa uu sheegay in wax walba uu u samayn doono sidii uu meel iskaga saari lahaa Mendy iyo Caballero.

“Nolosha kubadda cagta, waxa jira marar sare loo socdo iyo waqtiyo hoos u dhac la galo. Laakiin ugu damabynta, wax walba waxay ku jiraan gacantayda oo waa inaan shaqeeyo. Waxa aan dareemayaa wanaag, xoogganaan iyo kalsooni. Inta xirfadda lagu jiro, mararka qaarkood waxaad kusoo maraya waqtiyadan oo kale.” Ayuu yidhi Kepa Arrizabalaga.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Kepa intaa ku daray: “Waxa aan ku kalsoonahay inaan soo laaban doono oo aan sida ugu wanaagsan u shaqayn doono marka aan ciyaarayo. Dhamaantayo waxa aanu doonaynaa inaanu ciyaarno, laakiin anigu kama fikiro wax ka baxsan shaqada maalinlaha ah, waxaanan hadda diiradda ku hayaa kulamada xulka qaranka.”

Hadalka Kepa ayaa waxa uu kusoo beegmay xilli ay Chelsea diyaar u tahay inay dhegaysato haddii dalabyo laga soo gudbiyo goolhayeedan, laakiin waxa Blues ka dhacay suuqa iibka ciyaartoyda iyadoo aan helin koox la timaadda dalab qanciya.

Si kastaba, Mendy ayaa la rumaysan yahay in Lampard uu ka dhigan doono goolhayaha koowaad oo uu xulashadiisa kusoo bixi doono, waxaana go’aanka tababaraha la ogaan doonaa October 17 oo ay Chelsea la ciyaari doonto Southampton marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More