Koox Weyn Oo Afar Jeer Dalab Ka Gudbisay Lionel Messi & Lacagta Ay

Lionel Messi ayaa ka mid ah ciyaartoyda sida weyn ay kooxuhu ugu dagaallamayaan suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaagan, markaas oo uu xor ka noqonayo kooxdiisa Barcelona oo heshiiskiisuna ka dhamaanayo.

Inkasta oo ay jirto rajo ah in Madaxweynaha cusub ee Joan Laporta uu ku qancin doono in uu sii joogo oo uu saxeexo qandaraas cusub, haddana cid ogsoon xaqiiqada dhabta ah ee doonista Messi ma jirto.

Marka laga shidaal qaato isku-daygii bixitaanka ee xagaagii hore, Messi ayaa u muuqanaya in uu doonayo in inta ka  hadhay xirfaddiisa uu ka ciyaaro koox kale, si aanu u noqon ciyaartoy hal koox kud hamaysta.

33 jirkan ayaa Barcelona kusoo biiray isagoo aad u da’yar sannadkii 2000, waxaana uu La Masia iyo Camp Nou uu ku qaatay muddo 21 sannadood ah.

Tababarihii hore ee Frank Rijkard ayaa xilli ciyaareedkii 2004 kooxda koowaad kusoo daray Lionel Messi, waxaana uu illaa waqtigaas ahaa xiddiga farta lagu fiiqo ee hoggaamiyaha ah marka laga reebo sannadihii ugu horreeyey ee uu Ronaldinho ahaa xiddiga kooxda.

Muddada uu Lionel Messi joogay Barcelona, marnaba ma ahayn ciyaartoy ay kooxaha kale quus ka yihiin, waxaana saxeexiisa isku dayay naadiyo waaweyn oo mid ka mid ah ay afar jeer ku dalbatay lacagtii ugu badnayd.

Madaxweynaha hadda ee Barcelona dib u dooratay ee Joan Laporta ayaa xaqiijiyey in waqtigii hore ee uu kooxda maamulayay, in ay soo gaadheen dalabyo badan oo Lionel Messi lagu doonayay.

Kooxda Talyaaniga ah ee Inter Milan ayaa la ogaaday in tiraba afar jeer ay Lionel Messi dalab ka gudbisay, waxaana midkii ugu qaalisanaa uu ahaa sannadkii 2006 oo ay ku dalbatay lacagtii ugu badnayd ee abid ciyaartoy lagu iibsado, illaa haddana aanay jirin koox gaadhay.

inter Milan ayaa Barcelona u bandhigtay lacag dhan £225 milyan oo Gini, hase yeeshee kooxda reer Spain ayaa iska diidday, sida uu xaqiijiyey Laporta oo waraysi siiyey idaacadda Rio Onda Cero.

Laporta oo Madaxweynaha Barcelona ahaa muddadii u dhaxaysa 2003 ilaa 2010, ayaa yidhi: “Ma jiro qof Barcelona jecel oo shaki gelin karaya Lionel Messi.

“Waxa aanu iska diidnay dalab €250 milyan oo Euro ah (u dhiganta £225 milyan oo Gini) oo sannadkii 2006 uu Massimo Morrati ku doonayay Messi.”

Waqtiga ay Inter Milan lacagtan kusoo dalbatay Lionel Messi, waxa ciyaartoyga dunida ugu qaalisan uu ahaa Zinedine Zidane oo sannadkii 2001 ay Real Madrid £46.6 milyan oo Gini ay kaga soo iibsatay Juventus.

Intan oo kaliya kuma ekaanin Inter Milan, laakiin waxay saxeexa Messi isku dayday saddex jeer oo kale oo dhamaantood ay ku fashilantay in ay hesho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More