Kooxaha Premier League Ee Sida Lama Filaanka Ah Hoggaanka Ugu Qabtay

Arsenal ayaa si lama filaan ah u noqotay kooxda hoggaaminaysa tartanka loogu jiro kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson oo usbuucan horraantiisii uu mustaqbalkiisu sugnaan la’aan iyo shaki ku yimid.

Henderson oo 31 jir ah ayaa Liverpool kaga soo biiray Sunderland sannadkii 2011kii, waxaana uu ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda, iyadoo uu bandhiggiisii ugu muhiimsanaana sameeyey intii uu Jurgen Klopp kooxda joogay.

Laacibkan ayaa kabtanimada Liverpool loo dhiibay markii uu Steven Gerrard soo gabogabeeyey waayihiisa Anfield, waxaana uu illaa hadda kula guuleystay Champions League iyo Premier League.

Xilli laga soo laabtay tartanka qaramada Yurub, kooxdiisuna bilowday isku-diyaarinta xilli ciyaareedka cusub oo uu isagu fasax kaga maqan yahay, waxa soo baxaya warar sheegaya in uu 31 jirkani ka tegi doono Anfield, isla markaana ay kooxdiisu ka fiirsanayso inay iibiso.

Henderson oo laba sannadood ka hadhsan yihiin dhamaadka qandaraaskiisa, wargeyska The Athletic ayaa xaqiijiyey in ay istaageen wada-hadallo kooxdiisu kula jirtay oo qandaraaska loogu kordhin lahaa, taasina waxay keentay in Liverpool ay ka fikirto in ay iibiso ka hor inta aanu gaadhin dhamaadka qandaraaskiisa si aanu qaab bilaash ah ugaga tegin.

Reds oo xasuusan in Georginio Wijnaldum uu si bilaash ah kaga tegay markii uu dhamaaday heshiiskiisu ayay ku adag tahay inay mar kale aragto xaalad noocii oo kale ah oo uu ku baxayo kabtankoodu, taas beddelkeedana waxay qaadanayaan go’aan ah inay iibiyaan haddii aanay inta ka horreysa helin xal ay kusii haynayaan laacibkan.

Si kastaba, kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si lama filaan ah u noqotay kooxda ugu cadcad ee lala xidhiidhinayo inay la saxeexan doonto Jordan Henderson, laakiin kali kuma aha, waxaana wehelinaya Atletico Madrid, Manchester United, Juventus iyo PSG.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More