Labada Xul Ee Uu Lionel Messi U Ciyaari Karay Ee Aan Aheyn

Kabtanka Barcelona Lionel Messi ayaa u ciyaari karay wadamada Italy ama Spain bedelkii uu u ciyaari lahaa Argentina.

33 jirkaan reer Argentina ayaa ku hogaamiyay xulkiisa finalkii Koobka Adduunka ee 2014 iyo finaladii Copa America ee 2015 iyo 2016.

Laakiin Messi ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay inuu xulkiisa ku hogaamin waayay koob weyn inkastoo uu ku guuleystay kubada dahabka ee Koobkii Adduunka ee 2014 iyo kubada dahabka ee Copa America 2015.

Sida ay sheegtay shabada Goal, kabtanka Argentina ayaa u ciyaari karay xulka Talyaaniga madaama ay qoyskiisa asal ahaan ka soo jeedaan.

Aabaha iyo hooyada dhalay Messi ayaa qaar ka mid ah waalidkood waxay asal ahaan ka soo jeedaan Talyaaniga taasoo la micno ah in xiddiga lixda jeer ku guuleystay Ballon d’Or inuu heli karay baasaboor Talyaani ah.

Si kastaba, Goal waxay sheegtay inaysan jirin isku day la ogyahay oo ay xiriirka Talyaaniga ku doonayeen in Messi uu u ciyaaro xulka Azzurri.

Dhanka kale Messi ayaa u ciyaari karay xulka Spain madaama awoowgiis uu reer Catalan ahaa isagoo ku dhashay Balaguer.

Agaasimihii hore ee Barcelona Carles Rexach ayaa doonayay in xiriirka kubada cagta Spain ay xaqiijiyaan in Messi uu u dheelo Spain.

Messi ayaa qirtay in si aan toos aheyn loogu soo dhawaaday si uu ugu dheelo xulka Spain balse uu ku adkeystay inuu u ciyaaro Argentina.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More