Lionel Messi Oo Farriin U Diray Cristiano Ronaldo Kaddib

Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa wali rajaynaya in Cristiano Ronaldo uu taam u noqon doono kulanka Champions League ee  Barcelona iyo Juventus ay toddobaadka dambe isku haleeli doonaan, kaas oo laacibka reer Portugal la sheegay inuu ku seegi doono xanuunka Korona Fayras oo ku dhacay.

35 jirka reer Portugal ayaa xanuunkani asiibay October 13 xilli uu waddankiisa Portugal u ciyaarayay kulamadii caalamiga ahaa, waxaana lagu qasbay in ciyaartii ugu dambaysay dalkiisa uu seego.

Waxa kale oo Cristiano uu karantiil ku jiray labadii ciyaarood ee Juventus ay la ciyaartay Crotone iyo Dymamo Kiev.

Juve ayaa Arbacada soo socota waxay garoonkeeda ku martigelin doontaa Barcelona, waxaana iyadoo la raacayo nidaamka ilaalinta badqabka ee UEFA ay dejisay, kulankan seegi doona Cristiano Ronlado oo baadhitaanno lagu sameeyey maanta oo Khamiis ahayd lagu xaqiijiyey in uu toddobaad kale kusii jiri doono go’doonka oo aanu fagaareyaasha iyo dadka dhexdooda iman doonin.

Cristiano Ronaldo ayuu karantiilku ka dhamaan doonaa 48 saacadood ka hor ciyaarta ay kooxdiisa Juventus ku qaabilayso Barcelona, laakiin maadaama aanu muddo tababar qaadan, waxay kooxdu ka saari doontaa liiska kulankaas si aanu dhaawac usoo gaadhin.

Lionel Messi oo la hadlayay warbaahinta DAZN ayaa sheegayh inuu rajaynayo, isla markaana doonayo in Cristiano Ronaldo uu kasoo kabto xanuunkan oo ay ku kulmaan garoonka dhexdiisa, waxaanu yidhi: “Way iska caddayd in marka uu Cristiano Ronaldo u ciyaarayay Real Madrid, in kulamado ay ahaayeen kuwo heer sare ah.

“Kulamada aanu kaga hor tagno waxay ahaayeen kuwo khaas ah, marka uu Cristiano garoonka ku jirana waxay u ahayd muhiimad gaar ah. Tan hadda waa marxalad laga soo gudbay, waxaanan rajaynayaa inaanu waajahno loollankayaga maanta. Arbacada ayuu jiri doonaa hirdankani, waxaananu rajaynaynaa in Cristiano uu halkaa joogi karo doono oo uu si degdeg ah uga soo kaban doono Covid.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More