Lionel Messi Oo Inkaari Ka Haysato El Clasico, Waqtigii Cristiano

0

Lionel Messi waxa uu xilli ciyaareedkan dhaliyey 23 gool oo horyaalka LaLiga ah, waxaana uu wali dagaal ugu jiraa inuu sii wato goolashiisa si uu kooxdiisa uga caawiyo in ay ku guuleysato horyaalka iyo in uu isaguna qaato abaal-marinta Pichichi ee gool-dhalinta.

Xiddiga reer Argentina ayaa si weyn iskugu diyaarinaya kulanka El Clasico ee ay Barcelona martida u noqonayso Real Madrid habeen dambe oo Sabti ah, kaas oo haddii ay guul ka keenaan ay hoggaanka horyaalka kula wareegi karaan, isla markaana shan dhibcood ka sarrayn doonaan Los Blancos.

Marka laga yimaaddo saddexda dhibcood, Lionel Messi ayaa u dagaallami doona sidii uu u baabi’in lahaa abaarta goolal la’aanta ee ka haysata kulamada El Clasico.

Messi ayaan wax goolal ah ka dhalinin Los Blancos kulankii horraantii xilli ciyaareedkan, sidoo kalena goolal iyo caawin toona ma samaynin lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee uu Real Madrid ka hor tegay.

Waqtigii ugu dambaysay ee Lionel Messi uu gool ka dhaliyo Real Madrid ayaa ahayd waqtigii uu Cristiano Ronaldo joogay Santiago Bernabeu.

Kulan-ciyaareedkii 36aad ee horyaalka LaLiga ee xilli ciyaareedkii 2017-18 oo ay labadan kooxood barbarro 2-2 ku galeen Camp Nou ayaa ugu dambaysay in Messi uu gool ak dhaliyo Real Madrid.

Inkasta oo uu rikoodhka goolasha ugu badan ka haysto Real Madrid oo 21 gool uu ka dhaliyey 27kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee uu ka hor tegay, haddana xaqiiqada ayaa waxay tahay in shan gool oo kaliya uu ka dhaliyey 17kii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Si kastaba, Lionel Messi ayaa laga yaabaa in kulankan El Clasico uu noqdo midkii ugu dambeeyey ee uu ciyaaro, waxaana sii dhamaanaya heshiiskiisa Barcelona iyadoo uu diiddan yahay in uu qandaraaska kordhiyo.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More