Lionel Messi Oo Ku Laabtay Waddanka Argentina Xilli Uu Dhamaaday

Lionel Messi ayaa ku laabtay waddanka Argentina oo uu u qaatay diyaarad gaar ah, xilli aanu wali saldhigin mustaqbalkiisa oo heshiiskiisa Barcelona uu ku egyahay bisha June ee foodda inagu soo hayso.

Xiddiga  reer Argentina oo ay wehelinayaan carruurtiisa, xaaskiisa iyo xubnaha qoyskiisa ayaa subaxnimadii shalay gaadhay waddankiisa,, waxaana sidoo kale la socday Rodrigo De Paul.

Laacibkan ayaa ku biiri doona xulka qaranka Argentina ee isku diyaarinaya tartanak Copa America ee bilaabmaya badhtamaha bisha June iyo kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka Qatar 2022.

Argentine ayaa waajihi doonta waddanka Chile Khamiista toddobaadka dambe ee ay taariikhdu tahay June 3, waxaana kulankan oo ka tirsan isreeb-reebka  Koobka adduunka lagu ciyaari doonaa Santiago del Estero ka  hor inta aanay Barranquilla kula soo ciyaarin xulka qaranka Colombia marka ay taariikhdu tahay June 8.

Inta badan ciyaartoyda xulka qaranka Argentine ee ka dheesha qaaradda Yurub ayaa subaxnimadii Arbacada ku laabtay waddankooda, waxaana laacibiintaas ka mid ah Nicolas Otamendi, Nicolas Tagliafico, Papu Gomez, Giovani Lo Celso, Lucas Martinez Quarta, Emilitano Martinez iyo kuwo kale.

Franco Armani, Gonzalo Montiel, Julian Alvarez, Juan Foyth iyo Sergio Aguero ayaa la sugayaa in toddobaadka soo socda ay gaadhaan dalkooda.

Foyth ayaa xalay finalka Europa League u ciyaaray Villarreal, koobkana kula guuleystay, halka Sergio Aguero uu sugayo finalka Champions League oo ay kooxdiisa Manchester City Sabtida la ciyaari doonto Chelsea.

Kabtan Lionel Messi ayay duruuftiisu ka duwan tahay midda ciyaartoyda kale, waxaana wali aan dhinac u dhicin mustaqbalkiisa inkasta oo la sheegayo in uu heshiiska u kordhinayo Barcelona, laakiin waxa aan wali quusanin Man City iyo PSG oo doonaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More