Liverpool Oo Xasuuqday Atalanta, Man City Oo Jiidhay

0

Liverpool ayaa xasuuq u geysatay kooxda kubadda cagta Atalanta, waxaanay ku garaacday 5-0, iyadoo sagaal dhibcood ku hoggaaminaysa Groupkooda.

Diogo Jota ayaa saddexley goolal ah dhaliyey, waxaana labada kale ku kala daray Mohamed Salah iyo Sadio Mane, iyadoo ay si xarrago leh Reds garoonka ugu dhex taxtaxaashaysay.

Manchester City ayaa iyaduna ku istaagtay kooxda reer Giriig ee Olympiakos oo ay ku garaacday 3-0, waxaana goolasha u furay Ferran Torres, ka hor intii aanu Gabriel Jesus oo kasoo laabtay dhaawac uu goolka labaad dhalin iyo ka saddexaad oo uu usii raaciyey Cancelo.

Kooxda koobka difaacanaysa ee Bayern Munich ayaa 6-2 u dhiibtay RB Salzburg oo gool kaga naxsatay, waxaana laba ka mid ah goolashan dhaliyey Robert Lewandowski, Boeteng oo mid kale ku daray iyo Hernandes oo shabaqa soo taabtay.

Shaxda kulankii Liverpool iyo Atalanta

LIVERPOOL (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Rhys Williams, Joe Gomez, Andrew Robertson; Jordan Henderson, Georginio Wijnaldum, Curtis Jones; Mohamed Salah, Diogo Jota, Sadio Mane.

Kaydka: Adrian, Coaimhin Kelleher, Joel Matip, Kostas Tsimikas, Neco Williams, Jake Cain, James Milner, Naby Keita, Xherdan Shaqiri, Takumi Minamino, Divock Origi, Roberto Firmino.

ATALANTA (3-5-2): Marco Sportiello; Rafael Toloi, Jose Luis Palomino, Berat Djimsiti; Hans Hateboer, Remo Freuler, Mario Pasalic, Alejandro Gomez, Johan Mojica; Luis Muriel, Duvan Zapata.

Kaydka: Francesco Rossi, Pierluigi Gollini, Fabio Depaoli, Giorgio Scalvani, Matteo Ruggeri, Cristian Romero, Matteo Pessina, Ruslan Malinovskiy, Josip Ilicic, Amad Diallo Traore, Aleksey Miranchuk, Sam Lammers.

Daqiiqaddii labaadba Liverpool Diogo Jata ayaa ku dhowaaday inuu shabaqa soo taabto, waxaana kubbad uu ka helay Jones uu ku beegsaday Marco Sportiello oo isaguna ka badbaadiyey goolkiisa.

Diogo Jota ayaa goolka ku furtay daqiiqaddii 16aad kubbad uu ka helay Alexander-Arnold, taas oo uu ka dhaliyey birta hoosteeda.

Liveprool oo kubadda ku xoog badnayd ayay afkaheeda hore halis ahaayeen, waxaana Mohamed Salah iyo Sadio Mane ay awood u lahaayeen inay difaaca dabadooda ordaan, halka Jota uu ahaa khatar shabaqa ay indhihiisu hayaan.

Jota ayaa mar kale dhaliyey gool labaad oo kooxdiisa uu hoggaanka ugu sii dheereeyey, waxaana qaybta hore ay kusoo dhamaatay 2-0.

Qaybtii labaad ayay Liverpool  goolal degdeg ah oo laba daqiiqadood u dhexeeyeen ay u kala dhaliyeen Mohamed Salah iyo Sadio Mane, waxaana mid kale ku darsaday Diogo Jota oo saddexlaydiisa xaqiiqsaday.

Natiijooyinka kulamadii Champions League oo dhamaystiran

Lokomotiv 1-1 Atletico

Shakhtar 0-6 Gladbach

Salzburg 2-6 Bayern

Real Madrid 3-2 Inter

Man City 3-0 Olympiacos

Porto 3-0 Marseille

Midtjylland 1-2 Ajax

Atalanta 0-5 Liverpool

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More