Ma Durtaba? Edinson Cavani Oo Sheegay Inuu Man United Ka

Weeraryahanka cusub ee kooxda Manchester United ee Edinson Cavani ayaa shaaca ka qaaday inuu xilli horeba ka fikirayo inuu iskaga tago kooxdaas maalmo kaddib markii uu kusoo biiray.

33 sano jirkan ayaa kusoo biiray Man United maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga xagaaga kaddib markii heshiiskiisii Paris Saint-Germain uu dhacay bilooyin kahor.

Haatan Cavani oo ay taageerayaasha Man United wax weyn ka filan karaan isla markaana la siiyay lambarka sumada ka ah kooxdaas ee No.7 ayaa banaanka keenay rabitaankiisa ah inuu doonayo ka ciyaarista kooxda ree Argentina ee Boca Juniors.

Kaddib markii uu soo af-meeray toddoba sano oo uu kasoo tirsanaa Paris, Edinson ayaa xidhiidh ka helay kooxo badan oo dunida ah oo ay kamid tahay Boca Juniors isaga oo wadahadalo la yeeshay madaxweyne ku xigeenkeeda Juan Ramon Requelme.

Marka laga yimaado inuu diiday inuu ku biiro kooxda ree South America, Cavani ayaa sheegay inuu qabo rabitaan ah inuu ka ciyaaro Boca maalin uun.

Ruug-caddaaga ree Uruguay oo arrintaas ka hadlaya ayaa yidhi “Roman waxa uu isoo qoray qoraal isagoo aad ii ixtiraamaya, waxa uu doonayay inuu ogaado sida aan ahay aniga oo xaaladan ku jira isaga oo isoo bandhigay mushahar aad u khaas ah waxaananu wada yeelanay wadahadal ixtiraam leh”

“Boca waa koox weyn oo dunida ah, xirfadle kasta oo kubadda cagta ahi waxa uu jeclaan lahaa inuu halkaas ka ciyaaro, waxa jiray dhawr Uruguayan oo halkaas ka ciyaaray”

“Waxa jiray siro wadahadaladii aan la yeeshay Roman ah, waa inaad isaga weydiisaan haddii uu doonayo inuu sheego, waynu arki doonaa waxa dhaca mustaqbalka, waxay noqon doontaa wax aad u wanaagsan inaan maalin uun Boca ka ciyaaro”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More