Ma Haaland Ayuu Isku Diyaarinayaa? Tuchel Oo Shax Cusub Hirgeliyay &

Iyadoo ay 43 maalmood ka hadheen suuqa xagaaga 2021, tababare Thomas Tuchel ayaa isku dayaya inuu dhiso safkii uu ugu soo guuleystay UEFA Champions League xilli ciyaareedkii tagay.

Tuchel ayaan wali wax saxeexyo ah samaynin tan iyo markii uu Frank Lampard kala wareegay shaqada bishii January si lamid ah tababarihii ka horreeyay oo isagu xagaagii hore sameeyay saxeexyo waaweyn oo ay kamid ahaayeen Kai Havertz, Timo Werner, Hakim Ziyech iyo Ben Chilwell.

Iyadoo macalinka German-ka ahi uu doonayo inuu dhiso safkiisa kahor 2021-22, weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa u muuqda midka halka ugu horreysa kaga jira qorshayaashiisa.

Haaland ayaa xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2020-21 41 kulan oo uu tartamada oo dhan kasoo ciyaaray 41 gool kusoo dhaliyay waxaana uu Blues kusoo kordhin karaa gool dhalintii laga waayay Timo Werner.

Kulankii ugu horreeyay ee uu Tuchel layliyay Chelsea kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka ee ay dhigooda Peterborough la ciyaareen ayuu tababarahaasi hirgeliyay shax 4-2-4 ah oo ay laba weeraryahan iska garab ciyaarayaan.

Tan ayaa noqon karta isku diyaarin ah inay xilli ciyaareedka dambe laba weeraryahan ahaan iskaga garab ciyaari karaan Haaland iyo Kai Havertz iyadoo ay Christian Pulisic iyo Mason Mount labada garab ka ciyaarayaan tusale ahaan.

Dhinaca kale imaanshaha Erling ayaa dhibaato ku noqon kara Timo Werner, 25 sano jirkaas ayuu Tuchel taageere u yahay xawaarihiisa iyo sida uu garabka bidix uga ciyaaro balse Timo ayaa doorkii hore aan muujin wixii jamaahiirtu ka filayeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More