Ma Isaga Ayaa Doortay Mise Kooxda Ayaa U Go’aamisay Lambarka? David

Hore ayaa loosii ogaa in David Alaba uu imanayo Real Madrid oo heshiiskiisa ay hore ugu sii dhowaaqday, laakiin lama ogeyn lambarka uu xidhan doono, waxaanay taageereyaashu isasii weydiinayeen haddii loo gelin doono lambarkii uu banneeyey Sergio Ramos ee No.4 oo 16kii sannadood ee ugu dambeeyey uu xidhnaa.

Arbacadii maanta ayay Real Madrid si rasmi ah usoo bandhigtay David Alaba oo qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah ayaa waxa uu la hadlay warbaahinta, waxaanu sharraxay sidii uu ku yimid Santiago Bernabeu iyo lambarka cusub ee uu xidhanayo.

Alaba waxa uu sheegay in uu haystay dalabyo uu kooxo kale ku tegi karayay, laakiin uu isagu doortay Real Madrid oo uu illaa yaraantiisii ku riyoon jiray inuu u ciyaaro.

Intaas kaddib waxa wax laga weydiiyey lambarka uu xidhanayo, waxaanu ku jawaabay: “Kooxda ayaan ka wada-hadalnay. Iyaga ayaa iisoo bandhigay lambarkan, ilamana aha inuu jiray mid kale.

“Waan ogahay qiimaha uu lambarkani u leeyahay kooxda, dhiirigelin ayaanu ii yahay. Waxa uu u taagan yahay adkaysi iyo hoggaamin. Waxa aan doonayaa in uu lambarkani intaaba isiin doono.”

David Alaba waxa kale oo uu sheegay in aanu Real Madrid u imanin inuu beddelo Sergio Ramos, laakiin uu doonayay in uu ka garab ciyaaro ruug-caddaaga reer Spain.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More