“Ma Waxay Idinla Tahay In Aanaan Dareen Badan Siinin Ciyaartan?

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka jawaabay eedaymo loo jeediyey oo ahaa in aanu tixgelintii iyo ixtiraamkii uu mudnaa siinin tartanka FA Cup, kaddib markii uu fadhiisiyey dersin ka mid ah ciyaartoydii kulankii Borussia Dortmund ee Champions.

Pep Guardiola ayaa siddeed beddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Borussia Dortmund halka uu Thomas Tuchel uu saddex beddel oo kaliya ku sameeyey safkii uu ku waajahay FC Porto, iyadoo saddexdan laacib ee uu keenayna ay ahaayeen kuwo sii xoojiyey xafkiisa.

Isbeddellada uu sameeyey Tuchel waxa ka mid ahaa Hakim Ziyech oo dhaliyey goolka guusha.

Tababare Pep Guardiola oo ciyaarta kaddib wax laga weydiiyey haddii kooxdiisu aanay dareen badanin siinin FA Cup oo ciyaartoydii muhiimka ahaa uu dhigtay intooda badan, ayaa waxa uu bixiyey jawaab cadho badan ka muuqato, isagoo yidhi: “Ma waxaad u malaynaysaan in aanaan ciyaartan dareen badan siinin? Ma waxay idinla tahay in Sterling ama Ferran Torres ama Gabriel Jesus aanay u qalmin in ciyaaraan kulankan? Ma garanayo waxa aanaan dareenka siinin.

“Koox u qalanta in ay timaaddo meelaha ugu dambeeya ee tartamada oo dhan, ma garanayo waxa aad sidaa u leedihiin. Hadda uun baad lahaydeen waa laga badiyey, marka lagaa badiyana go’aamadu ma fiicna. Laakiin idinka dooddiinu way xun tahay, saaxiibbadayoow, dooddiinu waa mid liidata.

“Ma aanaan nimaadneen semi-finalka FA Cup ama finalka Carabao Cup afar jeer oo isku xigta iyo shan mar oo Champions League ah, haddii aanaan dareen siinaynin. Waxa aanu soo ciyaarnay kulamo aad iyo aad u badan oo FA Cup ab afartii ama shantii snnadood u dambeeyey, waxaananu mar walba isku daynaa in aanu guuleysano.”

Ugu dambayntii waxa uu Guardiola u hambalyeeyey Chelsea oo ka guuleysatay, waxaana uu sheegay in ciyaartoyda tirada badan ee ay lasoo saxeexdeen darteed ay ku gaadheen guushan.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More