Mahrez Oo Sheegay Xiddiga MUSLIMKA Ah Ee Ugu Duceeyay Goolkiisii Xalay

0

Garabka weerar ee kooxda Manchester Metropolis ee Riyad Mahrez ayaa shaaca ka qaaday sababta uu isagu ugu arko laadkii xorta ahaa ee uu xalay kooxdiisa guusha ugaga keenay Paris Saint-Germain mid uu khasaariyay.

Xiddigii hore ee Leicester Metropolis ayaa laad xor ah qaybtii dambe ee ciyaartii ka dhacday Parc des Princes dhex dhigay shabaqa Keylor Navas isaga oo guul kusoo hoggaamiyay kooxdiisa isla markaana boos wacan u joojiyay inay markeedii ugu horreysay abid gaadho kulanka kama dambaysta ah ee CL.

Laadka xorta ah ee uu Mahrez dhaliyay ayaa ahaa mid uu nasiib ku lahaa maadaama oo ay kubadda uu laagay ka dhex baxday xiddigaha Paris ee isku dhigayay inay darbadiisa celiyaan.

Riyad ayaa ciyaarta kaddib sheegay inuu doonayay inuu kubadda dhinac mariyo xiddigaha isku dhigayay  balse nasiib wanaag ay ka dhex baxday kaddib markii ay kaga beegantay sidaas darteedna uu isagu isku arko mid khasaariyay laadkaas xorta ah.

“Daacad ahaantii anigu waxaan doonayay inaan kubadda kasoo wareejiyo gidaarka dhinaciisa, waxay dhex martay laba ciyaaryahan nasiib wanaagna manner dhalatay” ayuu yidhi Mahrez ciyaarta kaddib.

“Aad ayaan u faraxsanaa, anigu waan ogaa inaanu halkan ku guuleysan karno inaan natiijada kooxda 2-1 uga dhigaana waxay ahayd wax cajiib ah”

Goolka Mahrez ayaa dhammaystiray soo laabasho cajiib ah oo ay samaysay kooxda tababare Pep Guardiola oo goolka ay uga horreysay PSG kaddib kubad madax ah oo uu Marquinhos ka dhaliyay.

Mahrez ayaa markii uu goolka dhaliyay la dabaaldegay saaxiibkiisa kale ee Muslimka ah ee Benjamin Mendy kaas oo uu ciyaarta kaddib sheegay in sababta uu ula dabaaldegay ay ahayd in Mendy uu goolkaas ugu duceeyay ciyaarta kahor.

“Waxa uu goolkani ahaa sababta Ben (Benjamin Mendy), Alle ayuu weydiistay Allena waa i siiyay”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More