“Man Metropolis Dagaalkii Kulanka Means Nagaga Adkaatay Laakiin…..” – Waatan

Garabka weerar ee kooxda Paris Saint-Germain ayaa ka hadlay rajada kooxdiisa ee inay gaadho Closing-ka UEFA Champions League kaddib markii ay xalay guuldarro kala kulantay Manchester Metropolis oo marti u ahayd lugta hore ee afar dhammaadka.

Neymar ayaa sheegay in kooxdiisa lagaga adkaaday kaliya dagaalkii ciyaartii xalay dhacday balse dagaalka wareega afar dhammaadka ee u dhaxeeyay labada kooxood uu wali socdo.

Manchester Metropolis ayaa fadhida booska hore ee kooxda u gudbaysa ciyaarta kama dambaysta ah kaddib markii ay xalay kooxda tababare Pep Guardiola guul soo laabasho ah ku dishay PSG oo Parc des Princes joogtay.

Kabtanka Paris ee Marquinhos ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 15-aad xilli ay kooxda sanadkii hore Closing-ka gaadhay qaybtii hore ee ciyaarta ka qabsatay Sky Blues.

Laakiin Kevin De Bruyne ayaa bar-bardhaca ugu keenay kooxdiisa kubad uu karoos u waday balse jiidhay goolhaye Keylor Navas kahor inta uusan laad xor ah dhalinin Riyad Mahrez iyadoo Paris ay 10 xiddig kulanka ku dhammaystaya kaddib markii Idrissa Gana Gueye uu daqiiqadii 77-aad kaadh casaan ah qaatay.

Iyadoo Paris ay shaqo weyni u taalo lugta labaad ee Etihad Stadium, Neymar ayaa sheegay in dagaalka wareegu wali socdo isla markaana uu ku kalsoon yahay xiddigaha kooxdiisa.

“Waxaanu ku guuldarraysanay dagaalkii kulanka laakiin dagaalkii wareegu wali wuu socdaa, waan aaminsanahay kooxdayda” ayuu Ney kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

“Waxaan aaminsanahay inaanu ka fiicnaan karno sidii aanu ahayn, Allez Paris, 1% waa fursad, 99% waa aaminaad”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More