Man United Oo Xiddigo Muhiim Ah Diraysa, Liverpool Iyo Arsenal Oo Khad

Real Madrid daafaceeda Raphael Varane ayaa doonaya inuu Manchester United ku biiro xagaagan balse caqabada ayaa noqon karta rabitaankiisa ah mushahar £400,000 ah toddobaadkii. (Independent)

Tottenham ayaa u jeedsan karta dhinaca tababaraha Rangers ee Steven Gerrard haddii ay ku fashilmaan Nuno Espirito Santo oo ay hadda donayaan. (Evening Standard)

Manchester United ayaa kusii dhawaanaysa saxeexa Jadon Sancho oo Borussia Dortmund ka tirsan, heshiiskiisa ayaa lagu dhawaaqi karaa labada toddobaad ee soo socda dhexdooda. (Manchester Evening News)

Wadahadalada u dhaxeeya Lionel Messi iyo Barcelona ayaa ah kuwo meel wanaagsan maraya balse wali waxaan la isku raacin qoddobo muhiim ah iyadoo heshiiskiisii hore maalmo kaddib dhacayo. (Sky Sports)

Timo Werner wakiilkiisa ayaa ku adkaystay in weeraryahanka ree Germany uu Chelsea baaqi kusii ahaan doono walow Real Madrid lala xidhiidhinayo. (Sport1, via Sun)

Manchester United ayaa tixgelin karta dalabaadka laga soo gudbiyo Anthony Martial iyo Donny Van De Beek suuqa xagaagan si ay kor ugu qaadaan lacagta ay kooxda dib ugu dhisayaan. (ESPN)

Everton ayaa lala xidhiidhinayaa daafaca dhexe ee AS Roma ee Chris Smalling balse 31 sano jirkaas ayaan doonayn inuu Goodison Park u wareego. (Mail)

Tottenham ayaa daafac dhexe la saxeexan doonta xagaagan iyadoo Joules Kounde oo Sevilla ka tirsan iyo Joachim Andersen oo Lyon qayb ka ahi ay yihiin bar-tilmaameedyadooda. (Guardian)

Rafael Benitez ayay ka go’antahay inuu la wareego jagada tababarenimo ee Everton walow la filayo inay qaadici doonaan jamaahiirta kooxdaasi magacaabista tababarihii hore ee Liverpool. (Football Insider)

Everton ayaa wadahadalo ay qaab bilaash ah kula saxeexanayso kula jirta goolhaye Sergio Romero balse tartan kala kulmaysa kooxaha Celta Vigo iyo Juventus. (Athletic)

Arsenal ayaa isha ku haysa xaalada 23 sano jirka khadka dhexe ee Renato Sanches oo ka trsan kooxda Lille haataana xulka Portugal ee Euro 2020 ciyaaraya wacdarro ku dhigaya, Sanches ayay sidoo kale Liverpool doonaysaa. (90Min)

Wakiilka Lucas Torreira ayaa shaaciyay in xiddiga Arsenal uu doonayo ku laabashada horyaalka Serie A xagaagan. (TuttoMercatoWeb)

Aston Villa ayaa doonaysa inay dalabkii labaad ka gudbiso 20 sano jirka khadka dhexe ee Arsenal ee Emile Smith Rowe kaas oo dalabkeedii hore laga soo diiday. (Express and Star, Wolverhampton)

West Ham iyo Tottenham ayaa doonaya labaduba saxeexa goolhayaha ree Poland iyo kooxda Fiorentina ee Bartlomiej Dragowski. (La Nazione – via Teamtalk)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More