Manchester City Oo Loo Sheegay Tababare Uga Wanaagsan Pep

Manchester City ayaa lagula taliyey inay haddaba sii calaamadsadaan tababaraha ay ku beddelayaan Pep Guardiola marka uu heshiisku ka dhamaado ee uu iskaga tago.

City ayaa qaab aan fiicnayn ku bilaabatay xili ciyaareedkan, waxaana iskugu xigay guul-darro xanuun badan oo kasoo gaadhay Leicester City oo shan gool ka dhalisay iyo barbarro xigay oo Leeds United ay wada galeen, iyadoo kooxda horyaalka ku cusub ay u qalmaysay inay guuleysato marka loo eego fursadihii ay heleen.

Darren Bent ayaa Manchester City u sheegay inay si degdeg ah ugu dhaqaaqaan tababaraha Leeds United ee Marcelo Bielsa oo kooxda u dhiibaan marka uu Guardiola ka tago.

Bielsa ayaa Leeds United kusoo celiyey horyaalka Premier League oo ay muddo 15 sannadood ah ka maqnayd, waxaana kulamadii ay ciyaareen illaa hadda oo ay tiradoodu tahay afar ay guuleysteen laba ka mid ah, barbarraha City ay la galeen iyo Liverpool oo si dirqi ugaga badisay rikoodhe waqti dambe loo dhigay.

Marcelo Bielsa oo ah tababare weyn oo sumcad ku leh kubadda cagta, waxa uu layaab ku riday Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola labada ciyaarood ee uu ka hor tegay, khaasatan Pep oo ku haftay su’aal uu weydiiyey markii ay soo dhamaatay ciyaartu.

Markii ay ciyaartooda Elland Road soo dhamaatay ayuu Bielsa weydiiyey Guardiola sida ay la ahayd ciyaartu, waxaana Guardiola uu waayay jawaab rasmi ah oo uu bixiyo, isagoo yidhi: “Daqiiqad ayaa kasoo wareegtay xilligii ciyaartu dhamaatay, wali waqti umaan helin inaan qiimeeyo.”

Darren Bent ayaa Man City u sheegayinay ka shaqeeyaan sidii aan Bielsa looga hor qaadi lahayn oo ay ka dhigaan beddelka Guardiola oo heshiiskiisu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedkan.

“Waxay ku xidhan tahay waxa ka dhacaya ku dhaca Pep iyo kooxdiisa Man City iyo sidoo kale qaar ka mid ah tababareyaasha sare, waxayse ila tahay in Bielsa uu kaliya saxeexay heshiis sannad ah, waxaana raadin doona kooxo badan marka uu xili ciyaareedku dhamaado iyadoo aan loo eegin sida ay Leeds tahay, sidaa darteed, waa in (City)  ay u doonato Bielsea.” Ayuu yidhi Darren Bent.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More