Manchester United Iyo Real Madrid Oo Wada-hadallo Toos Ah Ka Yeeshay

Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay wada-hadallo toos ah yeesheen Real Madrid oo ay ka doonayso difaaca reer France ee Raphael Varane oo la filayo in maalmaha soo socda uu yimaaddo Old Trafford.

Ole Gunnar Solskjaer ayay ka go’an tahay inuu helo difaac dhexe oo ka garab ciyaara Harry Maguire, si kooxdu ugu tartami karto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Victor Lindelof oo ahaa saaxiibka sida joogtada ah ay iskaga garab ciyaarayeen Maguire sannadihii u dambeeyey ayaa uu tababaraha reer Norway saluugsan yahay, waxaanu doonayaa in uu helo difaac kale oo khibrad ahaan iyo tayo ahaanba ka sarreeya oo ka caawin kara inay guulo gaadhaan.

Varane ayaa noqday bartilmaameedka koowaad kaddib markii uu diiday in uu qandaraas cusub u saxeexo Real Madrid xilli dhamaadka heshiiskiisa ay ka hadhsan yihiin wax ka yar hal sano.

Real Madrid ayaa iyaduna ogolaatay in ay iibiso 28 jirkan, si ay u hesho lacag kaash ah oo ay iskaga debciso culaysyada dhaqaale ee saaran, isla markaana uga fogaato in uu xagaaga dambe si bilaash ah kaga tago sidii Sergio Ramos oo kale.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa ku warrantay horraantii bishan, in Manchester United ay dalab rasmi ah u gudbinayso Madrid si ay u hesho laacibkan oo isaguna doonaya inuu yimaaddo Old Trafford.

Si kastaba, wariyaha Talyaaniga ah ee Fabrizio Romano ayaa shaaciyey, in Manchester United ay wada-hadallo toos ah ku jiraan Real Madrid, lana filayo in toddobaadkan lasoo gabogabeeyo heshiiskiisa oo uu yimaaddo Old Trafford ka hor inta aanay kooxdu dhamaysanin tababarka ay iskugu diyaarinayso xilli ciyaareedka cusub.

Warka ayaa intaa ku daray, in Real Madrid ay doonayso £50 milyan oo Gini, laakiin United ay qiimahaas u aragto in uu qaali yahay maadaama uu laacibkani sannadkii u dambeeyey qandaraaskiisa galay, waxaanay Los Blancos ka wada xaajoonayaan sidii qiimahaas hoos loogu dhigi lahaa.

Varane ayaa Real Madrid joogay toban sannadood, waxaanu kula guuleystay saddex horyaalka LaLiga ah, afar Champions League iyo afar Fifa Club World Cup, isaga oo u saftay 359 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More