Manchester United Oo Guul-darro Culus Loo Xambaariyey, Lingard Oo

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul-darro weyni kasoo gaadhay kulan saaxiibtinimo oo ay isku haleeleen kooxda heerka labaad ee QPR, taas oo ku garaacday 4-2.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Kiyan Prince Foundation Stadium ee QPR ayaa daqiiqaddii saddexaad ee bilowga ciyaarta diiwaanka goolasha isku qoray Jesse Lingard oo gool-dhalinta u furay Manchester United xilli uu kasoo laabtay amaah uu ku maqnaa qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore.

Goolkan ayaan noqonin mid sii waaray, waxaana laga daba keenay afar gool oo daran-doori ah oo ay QPR dhalisay, ka hor intii aanu waqti dambe gool aan waxba tarin u keenin laacibka da’da yar ee Anthony Elanga.

Daqiiqaddii toddobaad ayuu Charlie Austin goolka barbarraha u dhaliyey QPR, waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay 1-1.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay QPR muujisay in ay tahay koox is-haysata oo ay ka go’an tahay inay guusha hesho kulankan, waxaanay saddex gool oo degdeg ah ku dhaliyeen siddeed dhibcood gudahood.

Lyndon Dykes ayaa daqiiqaddii 52aad jabiyey difaaca Manchester United, hoggaankana u dhiibay kooxdiisa, waxaanu goolkaasi furitaan u noqday kuwo kale oo aan waxba ka dambayn.

Waxyar kaddib markii ay dabbaal-degga dhamaysteen QPR, ayaa ayay haddana gool kale la yimaaddeen xilli Manchester United isku dayeysay inay iska soo beddelo goolka lagala hormaray. Moses Odubajo ayaa goolka saddexaad u dhaliyey QPR daqiiqaddii 58aad, mid afraadna waxa laba daqiiqadood oo kaliya kaddib raaciyey Lyndon Dykes oo laba ku hubsaday shabaqa United.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ay maanta u ahayd mid farxadeed maadaama uu heshiis cusub oo saddex sannadood ah u saxeexay United, ayaa waxa farxadda ka jiidhay QPR, iyadoo waqti dambena uu gool labaad United u dhaliyey Elang oo ciyaarta ka dhigay 4-2.

Shaxdii labada kooxood

QPR XI: Dieng, Odubajo, Dickie, De Wijs, Barbet, Wallace, Ball, Dozell, Willock, Chair, Austin.

Kaydka: Walsh, Kakay, McCallum, Adomah, Thomas, Dykes, Kelman

Man United XI: Heaton, Wan-Bissaka, Tuanzebe, Mengi, Williams, Matic, Andreas, Pellistri, Lingard, James, Greenwood.

Kaydka: Bishop, Grant, Bernard, Fish, Galbraith, Garner, Hannibal, Levitt, Mata, Elanga, Hugill, Shoretire.

Man United ayaa qaybtii dambe wada beddeshay dhamaan ciyaartoydeeda marka laga reebo saddexda laacib ee Jesse Lingard oo ahaa laacib isku muujinayay in Ole ay tahay inuu boos joogto ah siiyo, Williams iyo Aaron Wan-Bissaka.

Si kastaba, Manchester United ayaa guul-darro diiwaangashatay, waxayse kaliya tahay mid hadal-haynteedu maalmo kooban jirayso maadaama ay ahayd kulan saaxiibtinimo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More