Manchester United Oo Laba Dhibcood Oo Kaliya U Jirsan Doonta Man City

Manchester United wali kama bixin tartanka horyaalka Premier League, waxaanay soo qaban kartaa Manchester  City muddo laba toddobaad gudahood ah haddii ay Citizens kufto.

Kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa xilli ciyaareedkan qaytiisii dambe dedaal badan soo samaysay, laakiin waxay kooxaha kale joojin kari waayeen Manchester City oo 11 dhibcood ka horreysa.

Red Devils ayaa se siddeedda ciyaarood ee soo socda, waxay awoodi kartaa in ay farqigaas meesha ka saarto haddii ay City guul-darrooyin helaan.

Tallaabada ugu horreysa ee United ay tahay in ay qaato, waa in ay guul ka keento ciyaarta Burnley, taas oo haddii ay saddexda dhibcood ka helaan ay siddeed dhibcood kusoo koobi doonta City illaa inta ay kooxda tababare Guardiola ka ciyaarayso Arbacada.

Haddii Man City ay guuleysan weydo ciyaarteeda Arbacada, waxay Manchester United heli doontaa fursad kale oo ay Axadda shan dhibcood oo kaliya kaga dhigto farqiga dhibcaha ay Manchester City ku hayso hoggaanka, sababtoo ah, Pep Guardiola ayaa kooxdiisu aanay dheeli doonin horyaalka usbuuca dambe iyagoo finalka Carabao Cup la ballansan Tottenham.

Inkasta oo haddana ay Man City awood u yeelanayso in haddii ciyaarta gacanteeda ku jirta ay guuleysato ay mar kale sii dheeraysato farqiga oo ay siddeed ku celiso, haddana waa in Man United ay ku ducaysato in laga badiyo Man City.

Maxay u baahan tahay Manchester United si ay usoo gaabiso farqiga dhibcaha Man City?

Manchester United waxay u baahan tahay in ay guuleysato saddexda ciyaarood ee Premier League ee ka bilaabmaya Burnley oo ay ku xigayaan Leeds United iyo Liverpool, isla markaana ay City guul-darrooyin kala kulanto kulamadeeda Aston Villa, Crystal Palace iyo Chelsea. Sagaal dhibcood ayay United sidaas kusoo dallacaysaa, halka City ay sagaal dhibcood waayeyso, sidaas ayaanay laba usbuuc gudahood United farqiga dhibcaha kaga dhigi kartaa laba dhibcood oo kaliya.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More