Mark Lawrenson & Rio Ferdinand Oo Saadaaliyey Finalka Europa League –

Ole Gunnar Solskjaer ayaa rajaynaya in koobkiisii ugu horreeyey uu kula guuleysto Manchester United caawa intii uu tabbaaraha ahaa, laakiin waxa hor-taagan Unai Emery oo ah khabiirka tartankan.

Caawa ayay garoonka Tom Grennan ee magaalada Gdansk ee waddanka Poland ay foodda isku dari doonaan Manchester United iyo Villarreal, iyadoo ciyaartanna ay goob joog u noqon doonaan 9500 qof oo daawadeyaal ah oo naadi walba uu 2500 taageere ku leeyahay.

Khubarada ciyaaraha ee Mark Lawrenson iyo Rio Ferdinand ayaa saadaal ka bixiyey kulankan, waxaana xusid mudan in Lawrsenson uu ahaan jiray ciyaartoy Liverpool ah iyo Rio oo ahaa difaacii Manchester United.

Lawro oo saadaasha ka hor hadlay ayaa yidhi: “Emery wuxuu la iman doonaa qorshe ciyaareed. Villarreal waxay ciyaaraysaa kulan ay ugu dagaallamayso koob weyn iyo in ay xilli ciyaareedka dambe boos ku yeelato tartanka Champions League kaddib markii ay horyaalka LaLiga kaga dhamaysatay kaalinta  toddobaad.

“Emery khibrad badan ayuu u leeyahay sida koobabka loogu guuleysto. Tani waa markii shanaad ee uu yimaaddo finalka Europa League, waxaanu ku guuleystay saddex mar isagoo 2016 ka adkaaday Liverpool iyo Jurgen Klopp. Waxa uu la  imanayaa qorshe ciyaareed, laakiin guusha kulankan waxa helaysa kooxda ciyaartoyda wanaagsan.”

Intaas kaddib ayuu Mark Lawrenson saadaaliyey kulanka Finalka Europa League, waxaana uu la saftay kooxda reer Enalgnd ee Manchester United oo uu tilmaamay in ay ka ciyaartooyo wanaagsan tahay Villarreal.

Mark Lawsenson waxa uu saadaaliyey, in Manchester United ay ciyaartan ku badin doonto 2-0, koobkana ay qaadan doonto.

Rio Ferdinand ayaa isaguna waxa guusha u saadaaliyey kooxdiisii hore ee Manchester United, isagoo tilmaamay in laba gool ay ka sare mari doonaan, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in aanu badin doono, waxay ila tahay in ay dhalin doonaan laakiin waxa aanu haysanaa hub badan, waananu dhaawacaynaa. Waxa aanu ku garaaci doonaa farqi laba gool ah.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More