Mauricio Pochettino Oo Furka Tuuray: “Waxay Ahayd In Casaan La Siiyo

Tababaraha PSG ee Mauricio Pochettino oo warbaahinta la hadlay kaddib markii ay kooxdiisu guul-darro 2-1 ah kala kulantay Manchester Metropolis oo marti ugu ahayd magaalada Paris, ayaa ku dooday in ay ahayd in kaadh cas la siiyo xiddiga reer Belgium ee Kevin de Bruyne.

Kubbad-sameeye De Bruyne ayaa Metropolis u dhaliyey goolka hore, waxaanu midka labaad oo laad xor ahaa u daadyey Riyad Mahrez oo isaguna si xarrago leh u dhaliyey.

PSG ayaa ciyaarta ku dhamaysatay toban ciyaartoy kaddib markii kaadh cas lagu saaray Idrissa Gueye oo qalad xun ku galay Ilkay Gundogan qaybtii dambe, laakiin waxyar kaddib ayay ciyaartoyda PSG kusoo urureen garsooraha iyagoo dalbanaya in De Bruyne lagu ciqaabo dacsad uu ku qabtay difaac PSG ah, laakiin garsooraha ayaa kaliya siiyey kaadh digniin ah.

Mauricio Pochettino ayaa isbarbar-dhig ku sameeyey labada ficil ee Gueye casaanka lagu siiyey iyo midka De Bruyne, waxaanay ula ekaatay in kala-duwaansho sidaas usii badan aanay jirin oo ay ahayd in isagana ciyaarta laga saaro.

“Ficilka uu sameeyey Idriss Gueye wuxuu la mid ahaa ficilka De Bruyne, wuxuu noqon karayay kaadh digniin ah, wuxuu noqon karayay kaadh cas. Anigu cabasho kama muujinayo (casaanka Idriss Gueye). Kaliya wuxuu ahaa ficil aanad samayn karaynin kulankan. Wuxuu ahaa fal uu shaqsi sameeyey.”

Tababare Mauricio Pochettino  waxa uu ku dooday in ciyaartii xalay ay ahayd laba qaybood oo midna ay iyagu maamulayeen midka kalena Man Metropolis, waxaanu yidhi: “Waxay ahaayeen laba qaybood oo kala duwan, qaybta hore annaga ayaa fiicnayn, balse method adkayd in ciyaarta laga haysto koox sida Metropolis ah. Waxa aanu abuurnay fursado, waxa aanu u qalmaynay in qolka lebbiska aanu la tagno faa’iido.

“Qaybtii labaad method u qalmayeen, laakiin goolashoodu shil ayay ahaayeen. Ciyaarta ayay maamulayeen qaybta dambe, waxaanay abuureen fursado ka badan kuwayaga. Koox waliba qay ayay lahayd. Labada gool waxa aanu dareemaynaa in ay niyad-jab yihiin.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More