Maxay Ahayd Farriintii Cajiibka Ahayd Ee Ay Barcelona Kusoo Qoratay

Kooxda Barcelona ayaa xalay ku guuleysatay koobkeedii ugu horreeyay ee in mudo ah iyaga oo Copa Del Rey qaab cajiib ah ugaga guuleystay dhigooda Athletic Bilbao oo ahayd kooxdii bilooyin kooban kahor qalbi jabka ku riday ee ka qaaday Spanish Supercoppa.

Kaddib markii qaybtii hore ee ciyaartii xalay ay kusoo dhammaatay bar-bardhac goolal la’aan ah, qaybta dambe ayaa mid weyn u ahayd Barca oo afar gool ka kala heshay Antoine Greizmann, Frankie De Jong iyo Lionel Messi oo laba gool saxeexay.

Si kastaba, maaliyadihii ay xiddigaha kooxdu soo xidheen ee ay ugu dabaaldegeen koobka ayaa iyaguna ahaa kuwo farriimo gaar ah gudbinayay kuwaas oo ay kooxdu ku sheegtay sida ay bilaw cusub u rajaynayso.

“Midkii ugu horreeyay ee waayo cusub” ayaa lagu soo xardhay garamaanta ay xiddigaha Barcelona soo xidheen ciyaarta kaddib taas oo caddayn u ah inay isku dayayaan inay wax cusub dhisaan kaddib markii uu qalbi jab iyo koobab la’aan ku noqday xilli ciyaareedkii hore.

Arrinta kale ee dhalinaysa in Blaugrana ay waayo cusub daarato ayaa ah in dhawaan jagada madaxweynenimo ee kooxda loo doortay Joan Laporta kaas oo balanqaaday inuu isbedelo waaweyn samayn doono.

Wakhtigan Barcelona ayaa dhexda kaga jirta xaalad togan iyo dareen farxadeed iyaga oo uga mahad celinaya qaab ciyaareedka fiican ee kooxda iyo soo laabashada Mr Laporta.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More