Maxay Ahayd Sababtii Ay Manchester United Beddelka U Samayn Weyday

Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu dhalliilay in kooxdiisa aanu firfircoonaysiinin, isla markaana aanu wax beddel ah samaynin illaa laga gaadhayey daqiiqaddii 100aad, kulankii ay guul-darradu kasoo gaadhay ee finalka Europa League.

Villarreal ayaa rikoodheyaal 11-10 ah kaga badisay Manchester United iyadoo ciyaartooda oo socotay 120 daqiiqadood ay kusoo dhamaatay barbarro 1-1, waxaana sidaas koobka ku qaaday kooxda reer Spain.

Manchester United ayaa 90kii daqiiqadood ee waqtiga rasmiga ah ee ciyaarta waxay ku dhamaysatay shaxdii ay kusoo gashay, waxaana ugu bilaabmay 30kii daqiiqadood ee dheeraadka ahaa ee lagu daray, iyadoo aanu wax beddel ah samaynin Ole Gunnar Solskjaer illaa laga soo gaadhayay daqiiqaddii 100aad.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu canaantay go’aanka uu qaatay ee ah in uu ku adkaysto shaxdii uu kusoo galay xilli ay ciyaartoyda qaarkood u baahnaayeen in ay la  beddelo, si kooxdu u firfircoonaato.

Laacibka khadka dhexe ee Fred ayaa beddelay Mason Greenwood daqiiqaddii 100aad, waxaana uu beddelkaas kali ah sameeyey Solskjaer illaa laga gaadhayay daqiiqaddii 116aad, markaas oo uu keensaday ciyaaartoydii uu rumaysnaa in ay ku wanaagsan yihiin rikoodheyaasha. Axel Tuanzebe iyo Daniel James ayaa beddelay Eric Bailly iyo Paul Pogba ka hor intii aanay Juan Mata iyo Alex Telles daqiiqaddii 120aad soo gelin garoonka si ay u laagtaan rikoodheyaasha, waxaanay beddeleen Aaron Wan-Bissaka iyo Scott McTominay.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la weydiiyey sababtii uu beddelka u samayn waayey, waxaanu ku jawaabay: “Bruno, Edi, wax walba ayay abuuri karayeen, Scott waxaan dareemayay in uu ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan garoonka iyo sidoo kale Paul.

“Way igu adkayd in aan beddelo, khasatan markii aan keenay Fred oo dhaawac ahaa toddobaadkii hore, laakiin si fiican u ciyaaray markii uu soo galay. Fursado aanu ugu guuleysan karayno ma aanaan samaynin.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More