Maxay Aheyd Sababta Rasmiga Ah Ee Uu Ole Gunnar Solskjaer U Bixiyay

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay inuu ku qasbanaa inuu dhaawac ka ilaaliyo Luke Shaw ka dib markii uu bixiyay daafaca Manchester United waqtigii nasashada kulankii Europa League ee ay ka badiyeen kooxda Granada xalay.

Shaw ayaa ayaa ka mid ahaa xiddigaha Manchester United ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan sidaasi darteed lama filaan ayay aheyd in la arkay iyadoo uu bedelayo Alex Telles waqtigii nasashada kulankii ay xalay ku badiyeen 2-0 inkastoo uu jaale qaatay 45tii daqiiqo ee ugu horeysay.

Laakiin Solskjaer ayaa xaqiiqiyay in sababtii uu u bixiyay xiddiga Ingariiska inay aheyd mid la xiriirta taam ahaanshihiisa, isagoo sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu taam u noqdo kulanka Axada ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Tottenham.

“Waan ku qasbanaa inaan ilaaliyo Luke laakiin waxaan qabaa inuu taam buuxda u noqon doono kulanka Axada” ayuu Solskjaer u sheegay MUTV.

Isagoo ka hadlayay guushii raaxada laheyd ee ay kooxdiisa ka gaartay Granada, Solskjaer ayaa hadalkiisa raaciyay: “Ma aheyn habeenkii ugu fiicnaa. Waxaan qaadanay seddex kaadh oo digniin ah iyo seddex ganaax. Laakiin 2-0 waa natiijo aad u fiican.”

Marcus Rashford ayaa hogaanka u dhiibay Manchester United, iyadoo Bruno Fernandes uu ugu labeeyay gool rigoore ahaa.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More