Maxay Tahay Cadhada Uu Cristiano Ronaldo U Qabo Romelu Lukaku?

Cristiano Ronaldo iyo Romelu Lukaku ma aha kuwo isku fiican, waxaanay xurguftoodu sannadkii hore ka bilaabantay baraha bulshada iyagoo intii ka dambaysayna xidhiidhkoodu xumaa. Xafiiltanka labadan ciyaartoy ayaa caawa waji kale yeelanaya iyagoo labadooda waddan ee Portugal iyo Belgium ay ku dagaallamayaan wareegga 16ka tartanka qaramada Yurub.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa iska joojiyey (block-gareeyey) barta Twitterka ee shabakadda qiimaynta suuqa ciyaartoyda sannadkii 2020 kaddib markii ay isku qiime noqdeen Romalu Lukaku oo min £67.5 milyan oo Gini ay shabakaddu ku sheegtay.

Ronaldo oo ah ciyaartoyga kubadda cagta ee taageereyaasha ugu badan ku leh baraha bulshada ayaa la sheegay in uu ka cadhooday in Lukaku ay isku qiimayn noqdaan,

Romelu Lukaku ayaa arrinta dabka kusii shiday, waxaanu bartiisa bulshada kusoo qoray sababta Cristiano Ronaldo iskaga joojiyey la socodka Transfermarkt, isagoo yidhi: “Ronaldo kuma faraxsanaya qiimihiisa suuq”.

Waqtigaas, Christian Eriksen ayaa ahaa ciyaartoyga ugu qiimaynta sarreeyey ciyaartoyda horyaalka Talyaaniga ee Serie A, isagoo taagnaa £81 milyan oo Gini.

Cristiano Ronaldo ayaa inkasta oo aanu u jawaabin Lukaku, haddana waxay warbaahintu sheegtay in uu aad uga cadhooday hadalka hadalka laacibka reer Belgium.

Lukaku oo waraysi bixiyey toddobaadkan ayaa wax laga weydiiyey Cristiano Ronaldo, waxaanu sheegay in laacibkaasi jeclaan lahaa inuu helo awooddiisa, isagoo yidhi: “Anigu waxa aan jeclaan lahaa in aan helo goysmadiisa iyo sida uu kubadda u laado. Isaguna wuxuu jeclaan lahaa in uu helo awooddayda!”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More