Maxay Tahay Sababta Uu Mikel Arteta U Diiday In La Isbarbardhigo

9

Mikel Arteta ayaa kalsooni ku qaba in kabtan Pierre-Emerick Aubameyang inuu u heelan yahay Arsenal isagoo si carro leh u diiday soo jeedin ah inuu xiddigaan noqonayo sida Mesut Ozil oo kale.

Kabtanka Gunners oo 31 sanno jir ah ayaa xagaagii saxiixay qandaraas cusub uu isbuucii ku qaadanayo 350 kun ginni, isagoo Gunners sii joogaya ilaa iyo 2023.

Laakiin qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan ayaa hoos u dhacay halka sidoo kale ay soo baxeen inuu sameeyay waxyaabo badan oo ku xadgudbaya sharciga akhlaaq wanaaga ee Arsenal u degsan.

Arteta ayaa gabi ahaanba diiday in Aubmameyang lala barbardhigo xiddigii uu Arsenal ka diray Mesut Ozil.

Wuxuu yiri: “Mar walba niyadsami ayaan ka qabaa mustaqbalka laakiin marka aad ka fekerto wax hore u dhacay ama xaalad gabi ahaanba ka duwan ama shaqsiyaad kala duwan, ma ahan wax aan aqbalayo.”

Markii la weydiiyay haddii Aubameyang uu u heelan yahay howsha Arsenal, tababaraha ayaa ku jawaabay: “Haa, aad iyo aad.”

Aubameyang ayaa dhaliyay 14 gool 33 kulan uu saftay xilli ciyaareedkan laakiin waxaa la dhigay kursiga keydka kulankii Tottenham ee bishii March madaama uu soo daahay.

Tan iyo markaas wuxuu noqday xiddig aan muuqanin kulamadii horyaalka ee West Ham iyo Liverpool ka hor inta aan kursiga keydka loo dhaadhicinin kulankii Europa League ee habeenkii Khamiista.

Waxaa jira cabsi ku aadan in taariikhda ay dib isku celineyso iyadoo Aubameyang oo ku socdo wadadii Mesut Ozil.

Kubadsameeyaha Jarmalka ayaa qaadanayay mushahar 350 kun ginni ah isbuucii laakiin waxa kooxda ka saaray Arteta muddo 10 bilood ah ka hor inta uusan si xor ah ugu biirin Fenerbahce bishii Janaayo.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More