Mesut Ozil Oo Magacaabay AFARTII Xiddig Ee Ugu Wanaagsanaa

Mesut Ozil ayaa tilmaamay afartii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa Arsenal kulankii xalay ay guusha xilliga dambe ah ka gaadheen naadiga Rapid Vienna oo gool kala hor maray.

Arsenal ayaa xalay ku sugnayd waddanka Austria oo ay kulankeeda ugu horreeya ee tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan isku haleeleen Rapid Vienna, taas oo ay kaga soo adkaatay 2-1.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Allianz Stadion, waxa Arsenal laga dhaliyey bilowga qaybta dambe kaddib markii uu goolhaye Bernd Leno sameeyey qalad, laakiin David Luiz ayaa u noqday shimbir oo goolka barbarraha u dhaliyey iyadoo uu madax ku qabtay kubbad uu soo laagay Nicolas Pepe.

Pierre-Emerick Aubameyang oo beddel kusoo galay ayaa goolka guusha u saxeexay kooxdiisa, ciyaartana ka dhigay 2-1, iyadoo guushuna sidaa ku raacday Gunners.

Ciyaartan waxa dhinaca warbaahinta ka haystay Mesut Ozil oo laga reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ee Europa League iyo Premier League u ciyaaraya, waxaana uu dhacdada ciyaartan kaga warramayay bartiisa bulshada ee Twitter-ka, isagoo taageereyaashiisa iyo kuwa Arsenal ba halkaas ay kala socdeen qoraallada uu soo dhigayay.

Ozil ayaa markii ay ciyaartu soo dhamaatay waxa uu magacaabay afartii ciyaartoy ee Arsenal ugu wanaagsanaa, kuwaas oo uu midkii ugu fiicnaa kala sii baxay.

Thomas Partey oo kulankiisii ugu horreeyey ugu soo bilowday Arsenal kaddib beddel uu kusoo galay ciyaartii Man City ee horraantii toddobaadkan ayaa amaan ka kasbaday khubarada ciyaaraha iyo daawadeyaashii kaleba, waxaana uu Ozil ku tilmaamay in laacibkan reer Ghana uu ka mid yahay murashaxiinta afarta ah ee ugu wanaagsanaa ciyaarta.

Saddexda ciyaartoy ee kale ee ugu wanaagsanaa ayuu Mesut Ozil ku tilmaamay Pierre-Emerick Aubameyang, David Luis iyo Mohamed Elneny.

Taageereyaashiisa kala socday barta bulshada ayaa Ozil weydiiyey in ciyaartoydan uu sii kala qaado oo uu xiddiga garoonka kala soo baxo, waxaana isagoon is-dhibin uu xiddigii ugu wanaagsanaa u xushay Thomas Partey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More